Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 


 


Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Su'aalaha 1aad & 2aad waxaa kasoo jawaabay walaalaha kala ah:
1- Fartuun Faarax Max'ed                           (Norway)
2- C/raxmaan Xaaji Cismaan                       (Somalia)
3- Max'ed Fiidoow  Cilmi                             (Somalia)
4- Shukri Mux'ed Max'ed                             (Norway)
5- C/qaadir Gaarane (C-Cirro)                    (Germany)
6- Qaali Mohammad                                     (Canada)

Su'aasha 3aad waxaa kasoo jawaabay walaalaha kala ah:
1- Maryan Xaaji Xasan                                (U.K.)
2- C/rashiid Max'uud                                    (Sweden)


Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran

S1- Sheeg haweneydii calaalisay beerkii nebiga adeerkii Xamza, 
      sheeg dagaalkii uu ahaa iyo immisaa dagaalkaa uga dhimatay 
      oo ay u aargudeysay?.
J1- Magaca haweyneydaasi waa Hinda Bintu Cutbah oo ahayd 
      xaaskii Abu-sufyaan, dhashayna hogaamiyihii weynaa ee 
      Mucaawiya, waana dagaalkii Uxud, waxayna ugu aar gudeysay 
      mubaarasadii ama isu soo bixii lagu dilay Aabbaheed, 
      Adeerkeed iyo Walaalkeed, waxaana dhanka kale kasoo 
      jeeday Nebiga (SCW) adeerkii Xamza (RC), waloow ay Hinda 
      markii dambe soo islaamtay waqtigii furashii Makkah.

S2- Sheeg magaca hooyadii dhashay Maryama Bintu Cimraan, iyo 
      wixii ay ku ta'thurtay (dhaliyay ama qiiro geliyay) oo ay Alle 
      (SWT) uga bariday inuu owlaad siiyo, taasoo laga aqbalay, 
      lana siiyay Maryama Bintu Cimraan?.
J2- Magaca Maryama Hooyadeed waa Hannah Bintu Faaquud, 
      waxayna aragtay shimbir caruurteeda cunto siineysa markaa 
      bey jecleysatay iney caruur hesho, waxay  Allah weydiisatay  
      inuu owlaad siiyo, waana ka aqbalay oo waxaa la siiyay  
      Maryama Bintu Cimraan oo Nebi Ciise hooyadiis ahayd.

S3- Darawal ka mid ah kuwa ka shaqeeya magaalada Muqdisho 
      dhexdeeda ayaa rakaabkii saarnaa waxaa kusoo haray dad 
      yar, wadada dhinaceeda kalena wuxuu ku arkay rakaab fara 
      badan oo gaadiid la'aani hayso, isagoo isleh intaan yar yaa 
      kaa dejiya aad halkaan ka rakaabatide, ayaa waxaa ka daba 
      yimid oo hortiisa istaagay mid kale oo saaxiibkiis ah oo isna 
      inyar sida, laakiin aan arag rakaabkii wadada dhinaceeda kale 
      taagnaa, darawalkii hore ayaa telefoon u diray kii hortaagnaa 
      oo ku yiri:
A-  Saaxiib inyar ayaan sidaaye maad iga sii qaadid, aan dib isaga 
      laabtee
?.
B-  Kii kalaa ugu jawaabay saaxiiboow anigaba dad yar ayaan  
      sidaaye.
A-  Wuxuu weydiiyay immisa qof baad sidaa?.
B-  Isna wuxuu ugu jawaabay dadka aan wado haddii aan mid  
      adiga kuusoo diro waad igu laba laabmeysaa, laakiin haddii 
      aad adiga rakaab kaaga mid iisoo dirto waan isla ekaa 
      neynaa, haddaba sheeg labada gaari ee A & B kiiba meeqa 
      qofood ayaa saarnaa?.
 
J3- Labada gaari waxaa kala saarnaa
      Gaariga A wuxuu siday 7 qofood
      Gaariga B isna waxaa saarnaa 5 qofood.
      Haddaba B oo waday 5 qofood haddii uu mid u diro A oo siday 
      7, markaa gaariga A wadartiisu waxay noqoneysaa 8 qofood,
      B-na waxaa ku haraya 4 qofood oo B waa lagu laba laabmayaa.
      Laakiin haddii A oo ay saarneyd 7 qofood uu mid u diro B, 
      kolkaa A waxaa ku haraya 6 qofood, B isna wuxuu noqonayaa 
      6 qofood oo waa isla ekaanayaan.

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco        

Go to homepage

  
Copyright©2007-2009 All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net