|



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).
Su'aalaha dhammaan waxaa kasoo jawaabay: 1- Dr. Khaalid Cali Sheekh (Maleysia) 2- Maymuuna Macallim Xasan (Egypt).
Su'aalaha 1aad & 2aad waxaa kasoo jawaabay walaalaha kala ah: 1- Xasan Cali Max'ed (UK) 2- Cismaan Cilmi Warsame (Somalia) 3- Naciimo Cali (Norway) 4- Maryan Xaaji Xasan (Norway) 5- Axmed Cali Xaaji (Gurey) (Denmark) 6- Qaali Mohammed (Canada)
Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran
S1- Nebiga (SCW) & Asxaabtiisu markii ay Makkah joogeen oo ay tiradoodu ahayd qiyaastii 30 qofood waxaa si qarsoodi ah loogu tukan jiray guri uu lahaa mid ka mid ah Saxaabada ee sheeg magaca saxaabigaas?. J1- Saxaabiga sida qarsoodi ah gurigiisa loogu tukan jiray waa Al-aqram bin Abil Aqram.
S2- Waxaad sheegtaa magaca Masjidkii ugu horeeyay ee uu Nabigu dhisay (SCW)?. J2- Masjidkii ugu horeeyay ee Nebigu (NNKH) dhiso waa masjidul Quba.
S3- Waxaa geed hoos jiifay laba nin, labada mid wuu hurdaa kan kalana waa soo jeedaa, waxaa soo maray nin kale oo socota ah wuxuuna salaamay ninkii soo jeeday, wuxuuna weydiiyay su'aashan: Ninkii socotada ahaa: Saaxiib adiga waanba ku gartee, waa kuma midkaan hurdaaya?. Ninkii soo jeeday: Ninkaan hurdaahi waxaa dhalay aabbaheey mid uu dhalay adeerna uma ihi, haddaba labada nin ee geedka hoos jiifa maxay isku yihiin?. J3- Labda nin waa wiil iyo aabbihii, oo ninka soo jeeda ayaa aabbihii ah (Aabbaheey miduu dhalay = waa ninka soo jeeda).
Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco
Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.
agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
Go to homepage
Copyright©2007-2009 All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye |