|
|



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).
Su'aalaha dhammaan waxaa kasoo jawaabay: 1- Xasan Xuseen Sharaawe (Norway) 2- Cabbaas A. Nuur (kenya) 3- Axmed Cali Xaaji (Denmark) 4- C/rashiid Cawil Saleebaan (U.A.E.) 5- Maryan Cismaan Afraxoow (Norway) 6- Xaaji Ibraam Dheere (Holland) 7- Jamaal Max'ed Shriif (Jey) (U.S.A.) Su'aalaha 1aad & 2aad waxaa kasoo jawaabay walaalaha kala ah: 1- Saciido Muuse Axmed (Halkeed ku nooshahay?) 2- C/qaadir Max'ed Xuseen (Daadey) (Norway) 3- Fartuun Faarax Max'ed (Norway) 4- Max'ed X. Fiidoow (S-Africa) 5- Zubeyr Saalim Siidi (Saudi Arabia) 6- Maryan Xaaji Xasan (UK)
Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran.
S1- Ummu-salama markii uu Nebigu (SCW) usoo bandhigay inuu guursado 3arrimood oo uusan ku guursan karin ayey u sheegtay, saddexdiina waa uu ka jawaabay, kadibna guursaday ee sheeg 3daa arrimood?. J1- Saddexda arrimood ee ay ummu-salama sheegtay waxay kala ahaayeen: A- Iney da'weyn tahay (Qof weyn) B- Iney caruur leedahay C- Iney qof kulul tahay (xagga maseyrka)
S2- Waxaad sheegtaa masjid ka mid ah masaajidda Alle oo waqti kasta oo kamid ah waqtiyada haddii aad ku tukato laba rakco ay u dhiganto Cumra?. J2- Masjidkaasi waa masjidu Quba', salaadii aad ku tukato waxay la mid tahay ama ay u dhigantaa ajar Cumra'.
S3- Meel lagu soo dhaweynayey madaxweyne dal ayaa wadooyinka soo gala goobtaas dhammaan laga xiray gaadiidka, waxaana goobtii xoog ku soo jiiray Taxi-le (Taksiile), ciidankii ilaalada goobtana cid la hadashay ma jirin maxay tahay sababtu?. J3- Sababta loo joojin waayay taxi-lahaas waxay ahayd waxaa goobta loo diiday waa gaadiidka ee dadka lugeynaya looma diidaneyn, ninkaasna shaqadiisa ayaa ahayd wadiddda Taxi (Taxi driver), laakiin markaa lugeynayay.
Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco
Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.
agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
Go to homepage
Copyright©2007-2010 All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye |
|