|
|



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).
Su'aalaha 1aad & 2aad waxaa kasoo jawaabay walaalaha kala ah: 1- Shukri Mux'ed Max'ed (Norway) 2- C/casiis Xuseen Ducaale (Switzerland) 3- C/raxmaan Xaaji Cismaan (Somalia) 4- Caaisha Jaamac Yoonis (Malta) 5- Dr. Khaalid Cali Sheekh (Maleysia) 6- Axmadeey Jeylaani Max'ed (India) 7- Maryam Sheekh Cilmi (Somalia) 8- Xasan Xuseen Sharaawe (Norway) 9- C/rashiid Cawil Saleebaan (U.A.E.)
Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran.
S1- Rasuulka (SCW) ayaa Khaalid binu waliid u bixiyay "Seyfullaahil masluul", laakiin goorma ayey ahayd markii uu bixinayay magacaasi?. J1- Rasuulku (SCW) markii uu khaalid u bixiyay "Seyfullahil masluul" waxay ahayd dagaalkii Mu'ta, kadib markii raggii hoggaankii muslimiinta ee dagaalkaas la dilay ayuu Khaalid binu waliid qaaday calankii islaamka, markaas ayuu Rasuulku (SCW) yiri hadda waxaa calankii qaaday "Seyfullahil masluul"
S2- Sheeg sababtii loo galay dagaalkii Mu'ta, kaasoo ay muslimiintu guul kasoo hooyeen?. J2- Sababtii loo galay dagaalkaas waay ahayd kadib markii inta la xirxiray qoorta laga gooyay saxaabigii Xaarith ibju Cummayr Al-azdi oo warqad loogu dhiibay Qeysarkii Romanka, waxaana falkaas sameeyay Shuraxbiil ibnu Camr Al-ghassani oo qeysarka wakiil uga ahaa Balqaa oo shaam ka tirsan.
S3- Tiro ama xisaab ayaad inta ay tahay in la'eg ku dareysaa, intii aad ku dartay barkeedna ku dareysaa, barkaas barkiisna kusii dar, oo halna (1) ku dar, wadartu waa iney noqotaa 100, haddaba sheeg tiradaas?. J3- Tiradaasi waa 36, waana sidaan 36+36+18+9+1=100
Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco
Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogtid.
agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
Go to homepage
Copyright©2007-2010 All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye |
|