Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 

 

 


 


Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Dhammaan waxaa 3dii su'aalood kasoo jawaabay walaalaha:
1- Muxubo Cali Kaliil                        (UK)
2-
Zubeyr Saalim Siidi                       (Saudi Arabia)
3- Cabdi Bashiir Axmed                    (Malta)

Su'aalaha 1aad & 2aad waxaa kasoo jawaabay walaalaha kala ah:
1- Xasan Max'uud Sabriye                (Somalia)
2- X. Cilmi Max'ed Caddaawe          (Norway)
3- Yusra Cilmi Axmed                       (Somalia)
 
Su'aasha 1aad waxaa kasoo jawaabay:
1- Saciido Muuse Axmed                   (Holland)

Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran.

S1- Waxaad sheegtaa salaad faral ah kana mid ah salaadaha aan lala 
        jahrin, salaadaasina waxay u dhexeysaa laba salaadood oo ah kuwa 
        lala jahro?
J1-  Salaadaasi waa salaada casir ee maalinta jimcaha, salaadaas casir 
        waxaa ka horeeya salaadii Jimcaha oo lala jahrayo, salaadaas casir 
        waxaa ka dambeeya salaad maqrib oo iyadana lala jahro. 

S2-  Waxaad sheegtaa haweneydii ugu horeysay ee rumeysay Rasuulka 
        (NNKH)?.
J2-  Haweydaasi waa Khadiija bintu khuweylat, ahaydna xaaskii ugu 
        horeysay ee uu guursado.

S3-  Sheeg laba tiro oo marka leysku daro ay wadartoodu tahay 1001, 
         marka la kala jarana ay wadartu tahay 101?
J3-  Labadaas tiro waa 551 iyo 450.

Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogtid.

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Go to homepage

  
Copyright©2007-2010 All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net