Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 

 

 


 


Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Dhammaan 3dii su'aalood waxaa kasoo jawaabay walaalaha:
1- C/qaadir Gaarane (C-Cirro)        (Germany)
2- Zubeyr Saalim Siidi                      (Saudi Arabia)
3- Dr. Khaalid Cali Sheekh              (Maleysia)
4- Yusra Cilmi Axmed                      (Somalia)

Su'aasha 3aad waxaa kasoo jawaabay:
1- Cabdi Bashiir Axmed                 (Malta)
2- Saamiya C/llaahi Jaamac          (Somalia)

Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran.

S1- Waxaad  sheegtaa suurad ka mid suuradaha Qur'aanka ee aanu ku 
        jirin xarafka miim (M)?.
J1-  Suuradaasi waa Al-kowsar . 

S2- Muhaajiriintii u hijrootay magaalada Madiina, kee buu ahaa kii ugu 
        hor galay  magaaladaas?.
J2-  Saxaabigaasi waxa uu ahaa Zeyd ibnu Xaarith.

S3-  Maxaabiis ku kala xiran 2 qol oo isku garab yaal ayaa 
         lagaa doonayaa inaad soo booqato, qol kasta waxaa albaabka 
         banaankiisa ka taagan askari gudahana askari kale, qolka markaad 
         eleyso askariga banaanka waxa uu kaa doonayaa $1 (Hal doolar), 
         arkaad gudaha u gashana askarigii gudaha ku jiray ayaa lacagta aad 
         adatid in la mid ah kuugu daraya, markaad qol kasta banaanka uga 
         oo baxeysidna askarigii banaanka waxa uu mar labaad kaa 
         adayaa $1, ugu dambeyn waxaa lagaa rabaa iney kuu soo harto $1
        sheeg lacagta aad wadatay markii hore immisa ayey ahayd?.
J3-   Lacagta aad markii hore wadatay waa $2.5 (Laba & bar dollar).

Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogtid.

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Go to homepage

  
Copyright©2007-2010 All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net