|
|



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).
Dhammaan 3dii su'aalood waxaa kasoo jawaabay walaalaha: 1- C/qaadir Gaarane (C-Cirro) (Germany) 2- Zubeyr Saalim Siidi (Saudi Arabia) 3- Dr. Khaalid Cali Sheekh (Maleysia) 4- Yusra Cilmi Axmed (Somalia)
Su'aasha 3aad waxaa kasoo jawaabay: 1- Cabdi Bashiir Axmed (Malta) 2- Saamiya C/llaahi Jaamac (Somalia)
Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran.
S1- Waxaad sheegtaa suurad ka mid suuradaha Qur'aanka ee aanu ku jirin xarafka miim (M)?. J1- Suuradaasi waa Al-kowsar .
S2- Muhaajiriintii u hijrootay magaalada Madiina, kee buu ahaa kii ugu hor galay magaaladaas?. J2- Saxaabigaasi waxa uu ahaa Zeyd ibnu Xaarith.
S3- Maxaabiis ku kala xiran 2 qol oo isku garab yaal ayaa lagaa doonayaa inaad soo booqato, qol kasta waxaa albaabka banaankiisa ka taagan askari gudahana askari kale, qolka markaad geleyso askariga banaanka waxa uu kaa doonayaa $1 (Hal doolar), markaad gudaha u gashana askarigii gudaha ku jiray ayaa lacagta aad wadatid in la mid ah kuugu daraya, markaad qol kasta banaanka uga oo baxeysidna askarigii banaanka waxa uu mar labaad kaa qaadayaa $1, ugu dambeyn waxaa lagaa rabaa iney kuu soo harto $1, sheeg lacagta aad wadatay markii hore immisa ayey ahayd?. J3- Lacagta aad markii hore wadatay waa $2.5 (Laba & bar dollar).
Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco
Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogtid.
agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
Go to homepage
Copyright©2007-2010 All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye |
|