Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 

 

 


 


Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Dhammaan 3dii su'aalood waxaa kasoo jawaabay walaalaha:
1- Calawi Macallin Muxumed Idiriis    (Ireland)
2- Shaafici Max'ed Weydoow                (Uganda)
3- Cumar Yuusuf Odeysuge                   (India)
4- Dr. Khaalid Cali Sheekh                    (Maleysia)
5- Zubeyr Saalim Siidi                            (Saudi Arabia)

Su'aalaha 1&3aad waxaa kasoo jawaabay:
1- Saciido Muuse Axmed                        (Holland)

Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran.

S1-  Boqoraddii Balqiisa bintu Mujaaxid yaa soo arkay una geeyay  
        warqaddii loo qoray?
 
J1-  Waxaa soo arkay warqadiina loogu dhiibay shimbirkii Hud-hud.

S2- Waxaad sheegtaa haweneydii ugu dambeysay ee Nebigu (SCW) 
        guursaday magacii loo yaqiinay intuusan guursan iyo markii uu 
        guursaday Rasuulka magacii uu u bixiyay?.

J2-  Maymuuna Bintul Xaaris Ibnu Hilaal, waa haweneydii ugu dambeysay
        ee uu Rasuulku (SCW) guursaday waxaa loo yaqiinay Barah, Nebiga
        (CSW) ayaana u bixiyay Maymuuna.

S3- Waxaad sheegtaa asxaabul kahf immisa ayey godka ku jireen?.
J3-  Asxaabul Kahf waxay godka ku jireen 309 sano.

Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogtid.

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Go to homepage

  
Copyright©2007-2010 All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net