

Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).
Su'aalihii dhammaan waxaa jawaabay walaalaha kala ah:
1- Cabdi Bashiir Max'ed (Malta)
2- Yuusuf Max'ed Nuune (Somalia)
3- Axmed Cali Xaaji (Gurey) (Denmark)
4- C/khaaliq Sh. Ibraahim (Kenya)
5- C/casiis Xuseen Ducaale (Switzerland)
Su'aalaha 1&2aad waxaa kasoo jawaabay:
1- Cabbaas A. Nuur (Kenya)
2- Xasan Xaaji Ismaaciil (UAE)
Su'aasha 2aad waxaa kasoo jawaabay:
1- Max'ed C/weli Diiriye (UAE)
2- Max'ed X. Cali (Atoore) (Norway)
3- Maryan Cismaan Afraxoow (Norway)
Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran.
S1- Qofka markii uu dhinto xoolihiisa waa la dhaxlaa, ee sheeg 3
arrimood oo dhaxalkaa aad ku waayi karto iyo 3 aad ku heli kartid?.
J1- Saddex dhaxalkaa lagu waayi karo waa:
* Inuu gacantiisa ku dilo.
* Iney kala diin yihiin.
* Inuu Addoon yahay (Qofka wax dhaxlaya).
Saddex lagu heli karo dhaxalkaasna waa:
* Iney isku abtirsiimo (Qaraabo) yihiin.
* Inuu guur ka dhexeeyo.
* Xoreyn (Qofkii la xoreeyo waxaa dhaxlaya ciddii xoreysay haddii
cid kale la waayo).
S2- Waxaad sheegtaa magaca Abu-jahal?.
J2- Waxaa la oran jiray Camar Binu Hishaam
S3- Maxaabiis ayaa ku kala xirnaa laba qol, qolka A iyo qolka B, haddii 7
kamid ah Maxaabiista qolka A laga qaado ee lagu daro kuwa qolka B
markaa Maxaabiista labada qol wey isla ekaanayaan, haddiise 7 ka
mid ah Maxaabiista qolka B lasoo qaado oo loo geeyo kuwa qolka A,
markaa Maxaabiista qolka A waxay ku laba laabmayaan kuwa qolka
B. Haddaba waxaad sheegtaa waa imisa tirada Maxaabiista qolka A
iyo tirada Maxaabiista qolka B?.
J3- Maxaabiista Qolka A waa 49, kuwa qolka B waa 35.
*markaa haddii (A) 49-7=42 oo markaa
" " (B) 35+7=42 wey isla ekaanayaan.
*Laakiin haddii (B)35-7=28 oo markaa
" " (A)49+7=56 wey ku laba laabmeysaa.
Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco
Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogtid.