Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017



 



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Su'aalihii dhammaan waxaa kasoo wada jawaabay walaalaha kala ah:

1- C/fitaax C/llaahi Muuse                  (Sweden)
2- Suleymaan Daahir Cawil                (Jabuuti)
3- Maymuuna Macallim Xasan           (Egypt)
4- Cabdi Bashiir Max'ed                     (Malta)
5- Nasro Mux'ed Xuseen                     (USA)

Su'aalaha 2 & 3aad waxaa jawaabay walaalaha kala ah:
1- Khaliif Cali Daahir (Kh'dheere)      (Italy)
2- Maryan Xaaji Xasan                        (U.K.)

Su'aasha 2aad waxaa kasoo jawaabay:
1- Mustafe Faarax Mustafe                (Holland)

Su'aalaha 3aad waxaa kasoo jawaabay:
1- Jamiilo Cumar                                 (Kenya)

Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran.

S1- Waxaa jiray nin reer Yeman ah oo dadka jinniyada qaba ku tufi jiray oo
        waan ka daweeyaan dhihi jiray, ninkaasi mar uu magaalada Makka soo
        gaaray ayey reer Qureesh u yeereen oo ku yiraahdeen nin baa naga
        waashay ee kaalay ku tuf oo wax ku aqri, iyagoo ula jeeda Nebi
        Muxammed (SCW), ninkii Yemaniga ahaa ayaa u yimid Rasuulka (NNKH)

        si uu wax ugu aqriyo, laakiin markii uu lakulmay Nebiga (NNKH) oo uu u
        sheegay inuu doonayo inuu jinka iyo waxa waalay ka daweynayo,
        Nebigu waxa uu bilaabay inuu aqriyo Xamdalada aan wada naqaan oo ah
        "Innal xamda lillaahi naxmaduhu wanastaciinuhu
         wanastagfiruhu ...........", Yemanigii ayaa yiri war bal kuceli oo
         Rasuulkuna ku celiay, haddana iigu celi ayuu yiri oo ugu celiyay,
         kadibna halkii uu inuu wax daweyo laga rabay isagii ayaa halkii ku
         islaamay, haddaba waa kuma saxaabigaasi sheeg magiciisa?.
J1-  Saxaabigaasi waa thamad al-azdi (RC).

S2- Waxaad sheegtaa Saxaabigii Malaa'iktu ka xishoon jirtay?.
J2- Saxaabigaasi waa Cismaan Bin Cafaan (RC).

S3- Geedmiroodka wadankeena ka baxa waxaa ka mid ah geed  
        waxa uu dhalo aan aad u wada jecelnahay yar iyo weynba, 
        waxa uuna ka kooban yahay 4 xaraf kaliya, haddii 4taa xaraf 
        gadaal laga soo aqriyo waxaa kuu soo baxaya magaca cibaado ku 
        waajib ah qof kasta oo muslim ah ee qaan gaar ah ee weliba 
        miyir qaba, awoodana inuu cibaadadaas (Waajibaadkaas) guto,
        haddaba sheeg mirahaas?.
J3- Geedmiroodkaasi waa Moos, oo markii xagga dambe laga soo aqriyo waa
       Soom, waana tiirka afaar ee tiirarka islaamka
?.

Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Go to homepage

Copyright ©2007-2010  All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net