|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017 |
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan |

|

Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Su'aasha 2aad waxaa jawaabay walaalaha kala ah: 1- Max'ed Axmed Caalin (Somalia) 2- Xasan Max'ed Cali (Italy) 3- Aweys Suufi Shariif (Saudi arabia) 4- C/casiis Ciise Cali (Holland) 5- Nafisa Sh. Max'ed (Finland) 6- Axmadey Abuukar Ciise (Norway) 7- Xaliimo Cali Faarax (Canada) 8- Max'uud Sheekh Daahir (Norway) 9- Binti Macallin Abuukar (Holland)
Su'aalihii & jawaabihii oo dhameys tiran halkaan ka kala soco
S1- Waxaad sheegtaa Quraanka meeqa jeer ayaa lagu sheegay magaca Janna?. J1- Waxaa lagu sheegay 66 jeer.
S2- Rasuulku markii uu guursanayay Sayidata Khadiija da'diisu meeqa ayey ahayd?. J2- Rasuulka (SCW) da'diisu xilligaas waxay ahayd 25 sano.
S3- Goob lagu soo dhaweynayay Madaxweyne qaran oo baabuurta oo idil loo diiday ayaa waxaa galay nin Taxi-le ah ciidamadii ammaankuna lama aysan hadlin waa maxay sababtu?. J3- Goobta waxaa loo diiday waa gaadiidka, ninka galayna shaqadiisa ayuunbaa darawal taxi ahayd, laakiin wuu lugeynayay.
Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.
agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
Go to homepage � 2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie |
|