Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Su'aasha 1aad waxaa jawaabay walaalaha kala ah:
1- Nafisa Max'ed Cilmi (Sweden)
2- Bashiir Axmed Cali (Malaysia)
3- Naadiya Saalax Saciid (UK)
4- Sh. Cismaan Macallin Cilmi (Yeman)
5- Sh. Cali Max'ed Axmed (USA)
6- Macallin Cilmi Abuukar (Norway)
Su'aasha 3aad waxaa jawaabay walaalaha kala ah:
1- Xasan Abuukar Xaaji (USA)
2- Mustafe Cumar Cabdi (Sweden)
3- Amiira Max'ed Saleebaan (Denmark)
4- C/casiis Xuseen Cali (USA)
5- Macallin Cilmi Abuukar (Norway)
6- Baarliin Cabdi Axmed (Denmark)
7- Cumar Max'ed Cilmi (Holland)
8- Sacdiyo C/llaahi Axmed (UK)
9- Abuukar Sheekh Rashiid (Norway)
Su'aalihii & jawaabihii oo dhameys tiran halkaan ka kala soco
S1- Waxaad sheegtaa Qofkii ugu horeeyay ee Quraanka
xifdiya?.
J1- Waxa uu ahaa Nebi Muxammad (NNKH)
S2- Meeqa Sajda ayaa Quraanka ku jirta (sujuudu tilaawa)?.
J2- Quraanka waxaa ku jira 15 sajda ama sujuudu tilaawa.
S3- Shimbiro ayaa laba geed kala saaran A iyo B, haddii mid
ka mid ah kuwa saaran geedka A u duusho kuwa geedka
B, shimbiraha labada geed wey isla ekaanayaan, laakiin
haddii mid ka mid ah kuwa saaran geedka B u duusho
geedka A, markaa kuwa saaran Geedka A waxay ku laba
laabmayaan kuwa saaran geedka B, haddaba sheeg
markii hore geed kasta meeqa shimbirood ayaa saarnaa?.
J3- Geedka A waxaa saaran 7 shimbirood, geedka B-na waxaa
saaran 5 shimbirood, inta kale idinkaan idiin dhaafayaa.
Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.