|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017 |
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan |

|

Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Su'aasha 1 & 2aad waxaa ka soo jawaabay: 1- Ciise Max'ed Samatar (Norway) 2- Cabdi Max'ed Xuseen (Holland) 3- Macallin Cismaan Max'uud (Holland) 4- Ceydaruus Xaaji Cali (UK) 5- C/qaadir Cilmi Axmed (UAE) 6- Max'ed Xaaji Maye (Yemen) 7- Cabdi Cali Suldaan (Norway)
Su'aasha 3aad waxaa ka soo jawaabay: 1- Waris Xaaji Saciid (USA) 2- C/xamiid Saciid X. Xuseen (Somalia) 3- Sahra Kheyre Cilmi (Norway)
Su'aalihii & jawaabihii oo dhameys tiran hoos ka kala soco:
S1- Waxaad sheegtaa Qur'aanka aayadda ugu dheer iyo suuradda ay ku jirto?. J1- Aayadda quraanka ugu dheer waa aayadda 282 ee Surat Al-baqra'.
S2- Waxa aad sheegtaa Saxaabigii ugu horeeyay ee Qur'aanka la jahra (kor u aqriya)?. J2- Saxaabigaasi waa C/llaahi Bin Mascuud (RC).
S3- Waxaa is guursaday oday laba wiil leh iyo hooyo wiil wadata, maalin maalmaha ka mid ah ayey wiilashii u sheegeen hooyadii iney gaajoonayaan, waxa ayna soo heshay laba xabo oo rooti ah, wiilashuna waa 3, waxa ay dooneysaa iney wiilkeeda xabbad rooti ah siiso, labadana odaygeedu dhalayna ay hal xabbo siiso iyagoo isla jooga, wax cuqdad ah ama sadbursi ahna aysan dareemin wiilasha odogeeda, haddaba sidee u kala siin lahayd 2da rooti iyo 3da wiil iyagoo raali kuwada ah?. J3- Waxaad u kala siineysaa sidan: wiilasha isku aabbaha ah midkiiba sii xabbad rooti ah, kaddibna waxaad u sheegeysaa iney walaalkood (hooyada wiilkeeda) kiiba siiyo jab rooti ah, sidaas ayey ku qancayaan, wiilka hooyaduna ku helayaa xal xabbo oo rooti ah.
Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.
agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
Go to homepage @2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie |
|