|
|
|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017 |
|
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan |
|

|

Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Su'aasha 1 & 2aad waxaa kasoo jawaabay walaalaha kala ah: 1- Max'ed Xasan Macallin (Norway) 2- Caydaruus Xaaji Cali (UK) 3- Sumaya Xuseen Saalax (Kenya) 4- Deeqo Xasan Yuusuf (Somalia)
Su'aasha 3aad waxaa jawaabay: 1- Cilmi C/llaahi Warsame (Norway)
Su'aalihii & jawaabihii oo dhameys tiran halkaan ka kala soco
S1- Waxaad sheegtaa qofkii ugu horeeyay ee Safa iyo Marwa socday ama sameeyay?. J1- Qofkii ugu horeeyay ee Safa iyo Marwa socda waa Sayidata Haajara (Xaaskii nebi Ibrahim c.s)
S2- Tobanka hore ee Dhil xijj waxaa ku jira maalin ficilka (Camalka) aad sameyso laguugu abaal gudayo 2 sano oo dembi dhaaf ah, haddaba sheeg maalintaas?. J2- Maalintaasi waa Yoomul Carafaa, sida ku cad saxiixul Muslimka "Soomka maalintaas waxaa Alle agtiisa laguu xisaabinaa dembi dhaaf sannadkii lasoo dhaafay iyo sannadka soo socda.
فضل صوم يوم عرفه : وهو اليوم التاسع من ذي الحجة ، وقد أجمع العلماء على أن صوم يوم عرفة أفضل الصيام في الأيام ، وفضل صيام ذلك اليوم ، جاء عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال :" صيام يوم عرفه أحتسب على الله أنه يكفر السنة التي قبله والسنة التي بعده " [ رواه مسلم ] . فصومه رفعة في الدرجات ، وتكثير للحسنات ، وتكفير للسيئات .
S3- Waxaad haysataa tiro ama xisaab, tirada aad haysatid ayaad inta ay tahay in la'eg ku dareysaa, haddana intii aad ku dartay barkeed ayaad ku dareysaa, barkii aad ku dartay barkiisna kusii dar, ugu dambeyntiina hal ama kow (1) ku dar, wadartu waa iney noqotaa tiro 100 ah, haddaba sheeg tirada aad marka hore haysatay?. J3- Lacagta aad marka hore haystay waa 36, haddaba 36+36+18+9+1=100.
Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.
agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
Go to homepage � 2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie |
|