Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 


 


Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushooda ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Dhammaan waad dadaasheen waloow aan laga soo jawaabin usbuucaan, dadaalkiina halkiisa kasii wada ayaan idin leenahay.

Halkaan ka aqriso Su'aalihii iyo Jawaabihii oo dhameystiran

S1- Waxaad sheegtaa Bani-aadamka intii Alle abuuray ninkii ugu quruxda 
      badnaa?.
J1- Bani-aadamka waxaa ugu qurux badnaa Nebi Aadam (CS), quruxda Nebi 
     Yuusuf (CS) waa qeyb yar oo kamid ah midda Abbul basharka.
 

S2- Waxaa jiray nin reer Yeman ah oo dadka jinniyada qaba ku tufi jiray oo 
      waan ka daweeyaan dhihi jiray, ninkaasi mar uu magaalada Makka soo 
      gaaray ayey reer Qureesh u yeereen oo ku yiraahdeen nin baa naga 
      waashay ee kaalay ku tuf oo wax ku aqri, iyagoo ula jeeda Nebi 
      Muxammed (SCW), ninkii Yemaniga ahaa ayaa u yimid Rasuulka (NNKH) 
      si uu wax ugu aqriyo, laakiin markii uu lakulmay Nebiga (NNKH) oo uu u 
      sheegay inuu doonayo inuu jinka iyo waxa waalay ka daweynayo, 
      Nebigu waxa uu bilaabay inuu aqriyo Xamdalada aan wada naqaan oo 
      ah "Innal xamda lillaahi naxmaduhu wanastaciinuhu 
      wanastagfiruhu ...........", Yemanigii ayaa yiri war bal kuceli oo 
      Rasuulkuna ku celiay, haddana iigu celi ayuu yiri oo ugu celiyay, kadibna 
      halkii uu inuu wax daweyo laga rabay isagii ayaa la weeyay oo halkii ku 
      islaamay, haddaba waa kuma saxaabigaasi sheeg magiciisa?.
J2- Saxaabigaas waxaa la dhahaa Thamad Al-azdi (ضماد الازدى)

S3- Waxaad sheegtaa weer (weedh) ka mid ah afsoomaaliga oo ka kooban 8 
      xaraf, oo haddii aad isku geyso xarfaha 678 waxaa kuu soo baxaya 
      magac ay wadaagaan laba wadan oo deris ah, ama magaalo oo deris ah, 
      ama laba guri oo deris, ama laba boos oo deris ah, haddii aad isku 
      geysid xarfaha 456 ay kuu soo baxayso magac Xayawaan ay dadku 
      cunaan, haddii aad isku geyso xarfaha 37428 waxaa kuu soo baxaya 
      magaca weel ay dumarku aad u isticmaalaan oo ay ku adeegtaan, haddii 
      aad isku geyso xarfaha 352476 waxaa kusso baxaya magac nebi kamid 
      ah Nebiyadii Ilaaheey, haddii aad isku geyso xarfaha 123 waxaa kuu soo 
      baxaya magac wax dadka aan cunin laakiin dhibaateeya?.
J3- Weertaasi (Weedhaasi) waa Maslaxad marka aad isku geyso xarfaha:
      678 = Xad, 456 = Lax, 37428 = Salad, 352476 = Saalax, 123 = Mas.

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.

agoonta@agoonta.net  ama kaafil@agoonta.net

Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco             

 Go to homepage  
         
Copyright © 2007  All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net