|
|



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushooda ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).
Su'aalaha & halxiraalaha todobaadkii lasoo dhaafay qofba qeyb ayuu kasoo jawaabay, mahadsanidiin,
Halkaan ka aqriso Su'aalihii iyo Jawaabihii oo dhameystiran
S1- Dagaalkii Badar Saxaabadii ka qeyb gashay ku meysan dagaalameyn fardo illa hal Saxaabi mooyee, haddaba sheeg kumuu ahaa saxaabigaas kaligii ku dagaalamay farska?. J1- Saxaabigaasi waa Miqdaad oo loo yaqiin (Miqdaadul Aswad).
S2- Waxaad sheegtaa wadamada caalamka wadanka ugu xuduudaha badan?. J2- Wadanka caalamka ugu xuduudaha badan waa dalka Chine oo xuduud la leh ugu yaraan 14 dal.
S3- Waxaad sheegtaa magac xayawaan oo ka kooban 7 xaraf, oo marka aad isku geyso xarfaha 2761 ay kuu soo baxayso magac xayawaan kale, xarfaha 654 waxaa kuu soo baxaya magac xayawaan kale, xarfaha 764 waxaa kuu soo baxaya magac xayawaan kale, xarfaha 34 waxaa kuu soo baxaya magac wax dadku aysan jecleysan, xarfaha 1274 waxaa kuu soo baxaya magac wax dadku aysan ka maarmin, xarfaha 1672 waxaa kuu soo baxay magac waxyaabaha guryaha lagu qurxisto (Sharraxo), xarfaha 574 waxaa kuu soo baxaya magac mid ka mid ah meelaha biyuhu fariistaan. J3- Xayawaanka leh magac ka kooban 7 xaraf "Dhurwaa", haddaan isku geyno xarfahana sidaan ayey noqonayaan: 2761 = Haad (Xawaanka duula). 654 = Awr (Neef geel ah). 764 = Aar (Libaax). 34 = Ur (Waxaan udgooneyn). 1275 = Dhar (Wax dadku aysan ka maarmin). 1672 = Daah (Wax yaabaha guryaha lagu qurxiyo).
Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.
agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco
Go to homepage Copyright © 2007 All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye |
|