|
|



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushooda ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).
Su'aasha 1aad kasoo jawaabay walaalaha kala ah:
1- Fowziya Saalax (Norway) 2- Max'ed X. Fiidoow (S/Africa) 3- C/raxmaan Xaaji Cismaan (Somalia).
Su'aasha 2aad waxaa iyadana kasoo jawaabay walaalahan:
1- Cabbaas A. Nuur (Kenya) 2- Nimco Ducaale (Switzerland)
Su'aasha 3aad waxaa iyadana kasoo jawaabay walaalahan:
1- Faadumo Cali Axmed (Holland) oo aad u dadaasha 2- Maryan Sh. Xasan (U.K.) 3- Qaali Max'ed (Canada) 4- C/rashiid Cawil Saleebaan (U.A.E.)
Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran
S1- Rasuulku (SCW) wuxuu lahaa shaabad ama Stamp, taasoo markii uu rabo inuu warqad u diro Boqorada sida Boqorkii Najaas oo kale uu ku dhufan jiray shaabbadaas, ee waxaad sheegtaa shaabbaddaas wixii ku qornaa iyo sidii ay u qorneyd?. J1- Shaabbadaas waxaa ku qornaa Muxammad Rasuul Allaah, waxayna u qorneyd sidan: (wey wareegsaneyd ama goobaabin, 3 sadar (line) ayaana ku qornaa, line 1. oo u sareeyo waxaa ku qornaa Allah, line 2. oo dhexda ahna waxaa ku qoran Rasuul, line 3. oo ugu hooseeyana Muxammad.
S2- Boqorkii Muqowqas wuxuu Rasuulka (NNKH) u soo diray 2 gabdhood oo haddiyad ah, labadii gabdhood mid waa uu guursaday oo Maariya, sheeg saxaabigii la siiyay gabadhii kale?. J2- Saxaabiga la siiyay waa Xassaan Binu Thabit (rc), oo aad wada garaneysaan.
S3- Geela midkiisa dheddig markii ay korto waxaa jirta da' (Sannad) ay ilaa ka gaarto da'daas aysan uur qaadin ama ku rimin ee sheeg sannadkaas?. ama sheeg qaalinta geela immisa jir ayey ku rimi kartaa?. J3- Qaalinta geela waxay 90% uur ku qaadaa markey lix jir gaarto, 5 jirna mar mar dhif ah wey dhacdaa.
Jazaakumu Allaahu kheyran dadaalkiina halkaas kasii wada.
Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.
agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco
Go to homepage Copyright © 2007 All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye |
|