Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 


 


Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushooda ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Waxaa dhammaa kasoo jawaabay walaalaha kala ah:
1- Nimco Xaaji Ducaale               (Switzerland)
2- Zubeyr Saalim Siidi                 (Saudi Arabia)
3- Jamaal Max'ed  Shariif-Jey        (U.S.A.)

Su'aalaha 1 & 2aad waxaa kasoo jawaabay walaalahan:
1- Cumar Yuusuf Odeysuge          (India)
2- Qaali Mohammed                    (Canada)

Su'aasha 1 & 3aad waxaa iyadana kasoo jawaabay walaalahan:
1- Kiin Max'ed Nuur- Kiin dheerey  (U.S.A.)
2- Fowziya Saalax                       (Norway)
3- C/llaahi Max'ed Guure              (Somalia)
4- Axmed Cali Xaaji - Gurey          (Denmark)
5- X. Cilmi Max'ed Caddaawe        (Norway)


Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran

S1- Qur'aanka waxaa Alle (SW) in badan noogu sheegay in Nebi  
      Muuse (CS) la siiyay mucjisooyin 9 ah ama ayaad ka kooban  
      9, haddaba waxaad sheegtaa 9 kaas mucjisooyin ama  
      aayadood?.
J1-
Mucjiooyinka ama 9ka Aayadood ee nebi Muuse (CS) Ilaahey 
      siiyay waxay kala yihiin:
A-  Ushii halaqa ama abeeso/maska noqoneysay.
B-  Gacantii Nuureysay bilaa cillad.
C-  Baddii kala dhantaalantay ee Fircoon & qoomkiis lagu halagay.
D-  Abaarihii iyo Nusqaamintii mirihii reer fircoon.
E-  Duufaantii. (F)- Ayaxii. (G)- Rahihii. (H)- Injirtii. (I)- Dhiigii.

S2- Haweenkii Rasuulku (SCW) guursaday ee 11 ahaa xagga da'da
      waxaa ugu da'yaraa Caaisha (RC), sheeg 10ka kale 
      haweyneyda ugu da'da yareyd?.
J2- Ummul mu'miniinta kale waxaa ugu da'yaraa Safiyah Bintu 
      Xuyayy Ibnu Akhdab, waxay ahayd 17 jir, wuxuu ku guursaday 
      Madiina sannadkii 7aad ee hijrada.

S3- Calanka Soomaaliya waxaa dhexda uga yaal xiddig cad oo 5 
      geesle ah, sheeg micnaha ay xambaarsan tahay 5 gees?.
J3- Micnaha ay xiddigta cadi u taagan tahay waa 5tii Soomaali e 
      gumeyigu qeybiyay oo kala ahaa:
A-  Waqooyi   B- koofur   C- Jabuuti   D-  Ogadenia (Ethiopia)         
      E- NDF (Kenya) 

Jazaakumu Allaahu kheyran dadaalkiina halkaas kasii wada. 

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.

agoonta@agoonta.net  ama kaafil@agoonta.net

Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco             

 Go to homepage           
Copyright © 2007  All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net