Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 


 


Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushooda ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Waxaa inta badan laga soo jawaabay su'aasha 2aad kaliya, malaha waa yara adkaayeen su'aalaha todobaakii hore, si kastaba ha ahaatee waan idiin soo dhameystirnay ee ka faa'iideysta insha'allaahu.

S1- Waxaad sheegtaa magaca Imaamu Shaafici iyo meeshii uu ku 
      dhashay?.
J1- Magaca Imaam Shaafici waa Muxammed Ibnu Idriis Ibnu 
      Cabbaas Ibnu Cusmaan (Abuu C/llaahi), wuxuuna ku dhashay 
      Gaza.

S2- Qur'aanka kariimka ah noolaha ama nafleyda lagu sheegay  
      waxaa ka mid afar aan la dhalin (2 Bani'aadam ah & 2 
      Xayawaan ah) haddaba sheeg afartaas noole ee aan la dhalin?.
J2- Afarta noole oo aan la dhalin ee Qur'aanka lagu sheegay oo 
      labana ay yihiin Bani'aadam labada kalana xayawaanka yihiin 
      waa: A- Nebi Aadam (CS) iyo Xaawa, B- Hashii Nebi Saalix & 
      wankii nebi Ibraahim (CS).

S3- 2 nin oo guri dushiis wada saarnaa ayaa mid ka mid ahi   
      dhulka kusoo dhacay oo dhintay, kii kale ee kor saarnaa 
      isna xaaskiisii ayaa ka furmatay, sheeg xiriirka ka dhexeyn 
      kara labadaas nin?.

J3- Xiriirka ka dhexeeyay 2da nin waa Addoon iyo sayidkiis ama 
      ninkii Addoonka lahaa, Sayidku wuxuu dhalay hal gabar 
      wuxuuna u guuriyay addoonkiisa, ninka dhulka ku soo dhacay 
      ee dhintay ayaa ahaa sayidkii iska lahaa adoonka dhusha 
      saaran ee gabadha loo guuriyay.

      Maadaama Sayidku dhalay iyada kaliya, iyadiina adoonkiisii 
      qabo ma dhaxli karto aabbaheed, waana iney iska furtaa 
      addoonka si ay u dhaxasho xoolihii Aabbaheed ka dhintay.

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco             

 Go to homepage           
Copyright © 2007  All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net