Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 


 


Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushooda ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Walaalayaal waxaan idiinka mahad celineynaa dadaalkiina iyo sida niyad wanaagga ah ee aad u xiiseeysaan barnaamijkaan aqoon kororsiga ah.

Waxaa su'aasha 1aad kasoo jawaabay walaalaha kala ah:
1- Zubeyr Saalim Siidi                       (Saudi Arabia)
2- Xaaji Cilmi Max'ed Caddaawe     (Norway)
3- Maymuuna Macallim Xasan         (Egypt).

Waxaa su'aasha 2aad kasoo jawaabay walaalaha kala ah:
1- Zubeyr Saalim Siidi                        (Saudi Arabia)
2- Xasan Max'uud Sabriye                 (Somalia).

Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran

S1- Waxaad sheegtaa 6 sifo oo Nebiga (NNKH) lagu khaas (Gooni) 
      yeelay ee aan la siinin Rusushii iyo Ambiyadii (CS) isaga ka 
      horeysay?.
J1- Lixda sifo ee Nebiga (NNKH) lagu gooni yeelay waa:
 A- Waxaa lasiiyay ereyada wax badan kulmiya ee macnaha badan 
      gudbiya.
 B- Waxaa loogu gargaaray argagax cabsiyeed oo cadawgiisa kusii 
     dhaca.
 C- Waxaa loo baneeyay Qaniimooyinka.
 D- Dhulka waxaa looga dhigay Masjid iyo mid wax daahiriya.
 E- Waxaa loo soo diray dadkoo dhan.
 F- Waxaa lagu qatimay Nabiyadii Alle.
(Muslim ayaa wariyay).

S2- Sheeg 2 haween oo wada nuujiyay Nebiga (CSW) iyo Xamza  
      binu Cabdulmudhalib?.
J2- Labadaa Haween waxay kala yihiin:
 A- Thuweyba oo ahayd mowlaa Abii lahab.
 B- Xaliimo ibnu abii Thuweyba.

S3- Geed miroodka wadankeena ka baxa waxaa ka mid ah geed 
      waxa uu dhalo aan aad u wada jecelnahay yar iyo weynba, 
      waxa uuna ka kooban yahay 4 xaraf kaliya, haddii 4taa xaraf 
      gadaal laga soo aqriyo waxaa kuu soo baxaya cibaado ku 
      waajib ah qof kasta ee muslim ah ee qaan gaar ah ee weliba 
      miyir qaba, awoodana inuu cibaadadaas (Waajibaadkaas) guto,
      haddaba sheeg mirahaas?.
J3- Geed miroodkasi waa geedka Mooska, miruhuna waa Moos (4 
      Xaraf), Moos haddii gadaal laga soo aqriyo waa Soom.
(Malaha 
      Mooska geed mirood looma yaqaano)

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco             

 Go to homepage           
Copyright © 2007  All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net