Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 


 


Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushooda ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Walaalayaal waxaan idiinka mahad celineynaa dadaalkiina iyo sida niyad wanaagga ah ee aad u xiiseeysaan barnaamijkaan aqoon kororsiga ah.

Waxaa laga soo jawaabay shu'aalaha 2. iyo 3aad waxaana kasoo jawaabay walaalaha kala ah:
1- X. Cilmi Max'ed Caddaawe      (Norway)
2- Faadumo Cali Axmed                (Holland)
3- Zubeyr Saalim Siidi                    (Saudi Arabia)
4- Xasan Max'uud Sabriye             (Somalia)
5- Saynab Xasan Cali                     (Kenya)
6- Jamiila Cumar                            ( ??????)
Fadlan xageed joogtaa

Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran

S1- Waxaad sheegtaa xaasaskii Nebiga (SCW) tii ugu geeri 
      dambeysay?.

J1- Waxaa ugu geeri dambeeysay Hinda bintu abii Ummayyata 
      Xudeyfatbnul Muqiiratul Makhzuumiyah (RC), Nebigu (SCW)  
      wuxuu guursaday Sannadkii 4aad ee Hijrada, waxayna 
      geeriyootay Sannadkii 61aad ee Hijrada, kuna geeriyootay 
      Madiina iyadoo 90jir ah. 

S2- Aayadda 15 ee suuradda Al-axqaaf sheeg saxaabigii ay kusoo 
      degtay?.

J2- Waxay kusoo degtay Abiibakar Sidiiq (RC).

S3- Sheeg caruurtii Nebiga (SCW) iyo hooyooyinkii kala dhalay?.
J3-
Caruurtii Nebiga (SCW) waxay ahaayeen 7 Caruur ah, 4 
      Gabdhood iyo 3 Wiil, waxaana kala dhalay Khadiija Bintu 
      Khuweylid oo dhashay 4 Gabdhood iyo 1 Wiil, iyo Maariyatul 
      Qibdhiyah oo 1 Wiil u dhasahay waana Ibraahiim.

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco             

 Go to homepage           
Copyright © 2007  All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net