|



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushooda ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).
Walaalayaal waxaan idiinka mahad celineynaa dadaalkiina iyo sida niyad wanaagga ah ee aad u xiiseeysaan barnaamijkaan aqoon kororsiga ah.
Su'aasha 1aad waxaana kasoo jawaabay walaalaha kala ah: 1- Faadumo Cali Axmed (Holland) 2- Saamiya C/llaahi Jaamac (Somalia) 3- Kiin Max'ed Nuur (Seattle-USA) 4- Jamiila Ismaaciil (Kenya) 5- Cabbaad A. Nuur (Kenya) 6- Zubeyr Saalim Siidi (Saudi Arabia)
Su'aasha 2aad waxaa kasoo jawaabay walaalaha kala ah: 1- Faadumo Cali Axmed (Holland) 2- Jamiila Ismaaciil (Kenya) 3- Kiin Max'ed Nuur (Seattle-USA)
Su'aasha 3aad waxaa kasoo jawaabay walaalaha kala ah: 1- Jamiila Ismaaciil (Kenya)
Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran
S1- Markii la qorsheynayay duulaankii lagu qaadi rabay Makkah waa kii lagu furtaye, waxaa jiray saxaabi si qarsoodi ah warqad ugu qoray reer Makkad, isagoo uga digaya in Nebiga (NNKH) iyo asxaabtiisu duulaan kusoo yihiin, isagoo haweyney u dhiibay warqaddii, inteysan haweneydii gaarin Makkah ayaa waxyi kusoo degay Rasuulka (SCW) loogu waxyooday waxa uu saxaabigaasi sameeyay, wuxuuna Rasuulku markiiba haweneydii ka daba diray 3 saxaabi oo soo qabtay, ee sheeg 3dii saxaabi oo haweneyda soo qabtay iyo saxaabigii warqadda qorayba?. J1- 3dii Saxaabi ee haweneyda laga daba diray ee soo qabtay waa: Cali Ibn abii Dhaalib, Zubeyr Ibn Alcawaan iyo Miqdaad Ibn Al-aswad, Saxaabiga warqadda qorayna waa Xaadib Ibn Abii baltacah.
S2- Waxaad sheegtaa 3 suuradood oo xarafka kaaf (K) uusan ku jirin?. J2- 3da suuradood ee aan xarafka "K" ku jirin waa: Al-falaq, Al-casri iyo Qureysh.
S3- Sheeg Xawaan adduunka aad looga yaqaano, Soomaaliduna ay jeceshahay, oo leh 8 suul?. J3- Xayawaankaasi waa Geela.
Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.
agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco
Go to homepage Copyright © 2007 All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye |