Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 


 


Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushooda ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Walaalayaal waxaan idiinka mahad celineynaa dadaalkiina iyo sida niyad wanaagga ah ee aad u xiiseeysaan barnaamijkaan aqoon kororsiga ah.

Annagoo idinka raali gelineyna muddadii uu hakadka galay barnaamijkeena aqoon kororsiga, haddana uu halkiisii nooga sii socon doono haddii Alle idmo, ka faa'iideysi wacan.

Waxaa dhammaan 3dii Su'aalood kasoo jawaabay
1- Faadumo Cali Axmed   (Hooland)
2- Cumar Yuusuf Axmed  ( Kenya)

Su'aasha 1aad waxaa kasoo jawaabay walaalaha kala ah:
1- Bashiir Macallin Cali       (Sweden)
2- Xasan Max'uud Sabriye   (Somalia)

Su'aasha 1. & 2aad waxaa kasoo jawaabay walaalaha kala ah:
1- Saamiya C/llaahi Jaamac          (Somalia)
2- Shukri Mux'ed Max'ed              (Norway)

Halkaan ka aqriso
Su'aashii
iyo Jawaabtii
 oo dhameystiran

 S1- Quraanka immisa suuradood ayaa ka kooban 7 aayadood?
J1- Queaanka Suuradaha ka kooban 7 aayadood waa labo, oo kala 
      ah: Al-Fatixa iyo Al-Maacuun.

S2- Nebiga (SCW) markii uu u hijrooday Madiina kumuu ahaa 
      saxaabigii uu gurigiisa ku degay?.

J2-  Saxaabigaasi waa Abuu Ayuub Al-ansaari (Khaalid ibnu Zeyd)

S3- Soonku waxa uu leeyahay 2 rukni ama 2 tiir oo haddii  
      midkood la waayo uu soonku burayo ee sheeg labadaas  
      rukni?.

J3- Labada rukni ee haddii midkood la waayo uu soonku burayo 
      waa: Niyada iyo ka fogaansho waxa buriya soonka.

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco             

 Go to homepage           
Copyright © 2007  All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net