Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 


 


Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushooda ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Walaalayaal waxaan idiinka mahad celineynaa dadaalkiina iyo sida niyad wanaagga ah ee aad u xiiseeysaan barnaamijkaan aqoon kororsiga ah.

Waxaa dhammaan 3dii Su'aalood kasoo jawaabay
1- Max'ed-weli Sh. Mustaf          (Somalia)

Su'aasha 3aad waxaa kasoo jawaabay walaalaha kala ah:
1- Faadumo Cali Axmed        (Holland)


Halkaan ka aqriso
Su'aashii
iyo Jawaabtii
 oo dhameystiran

 S1-Waxaad haysataa lacag cash ah oo aad ugu tala gashay inaad 
      cunto ama biilka reerka kaliya aad u isticmaasho, oo aadan 
      wax ganacsi ah ku qabaneyn, haddaba lacagtaas Zako ma ku 
      waajibeysaa haddii uu sanad kasoo wareego?.

J1- Haa Zako inaad ka bixiso ayaa ku waajibeysa lacagtaas, 
      laakiin waa 
iney la'eg tahay ama ay goyn karto 85gram oo 
      dahab ah iyo ka badan, sida dahabka ayaa 2.5% ka go'eysaa.

S2- Waxaad sheegtaa Makhluuqaadka uu Alle si toos ah ula  
      hadlay, ee aan bani'aadamka ahayn?.

J2- Makhluuqaadka uu Alle si toos ah ula hadlay ee aan  
      bani'aadamka ahayn waa Shinida, Buuraha iyo Dabka.

S3- Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Rasuulku (SCW) Saxaabada 
      weydiiyay saddex su'aalood oo kala ahaa:
A-  Ma idinku jiraa midkiin saaka Janaazo raacay?.
B-  Ma idinku jiraa midkiin saaka soo booqday qof xanuunsan?.
C-  Ma idinku jiraa midkiin saaka tukaday 2 rakco oo salaad  
     thuxa (Barqadii) ah?.
Dhammaan 3daa su'aalood hal Saxaabi ayaa mid walba yiri haa anaa sameeyay Nebi Alloow, Rasuulku wuxuu saxaabadii u sheegay ninkii intaa fala (sameeya) waxaa u sugnaatay Janno, haddaba sheeg Saxaabigaasi kumuu ahaa ?.

J3- Saxaabigaasi waa Abiibakar Assiddiiq (RC).

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco             

 Go to homepage           
Copyright © 2007  All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net