Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 


 


Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

Walaalayaal waxaan idiinka mahad celineynaa dadaalkiina iyo sida niyad wanaagga ah ee aad u xiiseeysaan barnaamijkaan aqoon kororsiga ah.

Su'aasha 1aad waxaa kasoo jawaabay walaalaha kala ah:
1- Shukri Muxumed Max'ed            (Norway)
2- Faadumo Cali Axmed                  (Holland)

Su'aasha 2aad waxaa kasoo jawaabay:
1- Faadumo Cali Axmed                  (Holland)

Su'aasha 3aad waxaa kasoo jawaabay:
1- Shukri Muxumed Max'ed            (Norway)


Halkaan ka aqriso
Su'aashii
iyo Jawaabtii
 oo dhameystiran

 S1- Waxaad sheegtaa Afar Nebi ee isdhalay?
J1- Afarta nebi ee is dhalay waa:
A-- Nebi Ibraahim
B-- Nebi Isxaaq
C-- Nebi Yacquub
D-- Nebi Yuusuf
.

S2- Nebi Yuusuf inuu ahaa Nebi aad u qurux badan ayuu Alle 
      (SWT) Quraanka noogu sheegay, haddaba sheeg quruxdaas la 
      siiyay inta ay la egtahay?.

J2- Quruxda la siiyay Nebi Yuusuf (CS) waa quruxda barkeed 
      (50%), barkii kalena Aadanaha ayaa loo qeybiyay.

S3- Waxaad sheegtaa aayadda 15aad ee Surat Al-axqaaf sababu 
      nuzuulkeeda qofkii ay kusoo degtay?.

J3- Waxay kusoo degtay Abuu bakar saddiiq.

Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco             

 Go to homepage           
Copyright © 2007  All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net