|
|



Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).
Waxaa dhammaan su'aalihii kasoo wada jawaabay walaalaha kala ah:
1- C/rashiid Maxammed (Sweden) 2- Saciido Muuse Axmed (Halkeed joogtaa??) 3- Khaliif Cali Daahir (Kh'dheere) (Italy) 4- Max'ed C/lle Cabdi (USA)
Su'aasha 1aad & 3aad waxaa kasoo jawaabay walaalaha kala ah: 1- C/qaadir Max'ed Xuseen (Daadey) (Norway) 2- Muxubo Cali kaliil (UK)
Su'aasha 2aad waxaa kasoo jawaabay: 1- Fartuun Faarax Max'ed (Norway)
Halkaan ka aqriso Su'aashii iyo Jawaabtii oo dhameystiran
S1- Wiilbaa qof dumar ah kula kulmay wadada, markaasuu ku yiri qofyahay maxaynu isku nahay?, waxay ugu jawaabtay "Hooyadeey waxay dhashay hooyadaa, soddohdeey inankeeduna waa adeerkaa", haddaba haweyneydaasi iyo wiilku maxay isku yihiin?. J1- Waa Hooyo iyo wiilkeed, ninkeeda walaalkiisna wiilka adeer buu u yahay.
S2- Waxaa wada socday 6 qofood oo 3 rag ah iyo 3 dumar ah, laba ka mid ah kaliya ayaa lammaane ka ahaa oo is qabay, 4ta kale oo 2 rag ah & 2da haweenka ah waa la kala ilaalinayaa, haddii ay isku soo haraan waxaa laga baqayaa in Zino (macsi) ay la yimaadaan. Waxay ku yimaadeen webi waxayna doonayaan iney ka gudbaan halkaas, waxaa meesha taagan dooni qaadi karta kaliya 2 qofood markiiba, haddaba iyadoo la kala ilaalinayo raggaas iyo dumarkaas sidee beey ku garai karaan webiga dhankiisa kale si ay socodkooda usii wataan?. J2- Wejiyo kala duwan oo wada sax ah ayaa looga soo jawaabay, mid ka mid ah ayaan soo qaadaneynaa insha'allaahu: 1- Labada gabdhood oo aan la qabin ayaa raacaya. 2- Middood ayaa dib usoo celineysa, oo soo dooneysa gabadha saddexaad. 3- Gabadhii la qabay ayaa soo celineysa oo qaadeysa ninkeeda. 4- Ninkii xaaslaha ahaa ayaa soo celinaya doonta oo qaadaya labadii ragga ahaa midkood. 5- Ninkaan aan xaaska lahayn ee hadda la qaadaya ayaa soo celinaya doonta oo qaadaya ninkii ugu dambeeyay, sidaas ayeyna kusii wadanayaan socodkooda.
S3- Haweeney aad jecleyd inaad is guursataana aad ku ballanteen ayaad iyadoo nin la taagan soo martay, markaad iyadii & ninkii wada salaantay ayey ninkii ay la taagneyd ku bartay oo kugu tiri "ninkaan aan la taaganahay xaaskiisa walaalkeed waa abtigeey", haddaba saaxiibtaa iyo ninka la taagneyd maxay isku yihiin?. J3- Saaxiibtaa ninka ay la taagneyd waa aabbaheed, hooyadeedna waa qabaa, hooyadeed walaalkeedna waa abtigeed.
Haddii aad hayso Su'aalo ama Halxiraale bulshada faa'iido u leh noogu soo hagaaji e-mailadan adigoo soo raacinaya magacaaga oo saddexan & wadanka aad joogto.
agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
Su'aalaha iyo halxiraalaha todobaadkaan halkaan kala sii soco
Go to homepage Copyright © 2007 All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye |
|