Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017



 

Gabar Iyada oo Yuhuudiyad ah Masaajid gashay, kana soo baxday iyada oo Muslim ah!!!

Faadumo waa gabar u dhalatay dalka mexico oo 28 jir ah, waxay ku soo barbaartay family yahuud ah iyo mujtamac yahuud ah, waxay ka waramaysa qisadii ay ku islaamtay.

Raadinta xaqiida ?????

Iyadoo ka warameysa qisadeeda waxay tiri: Afar sanno ka hor waxay noloshayda ku sugnayd jawhareer badan waxaana igu wareegayey su’aalo badan, taasoo u baahan sidii aan jawaabi ugu heli lahaa, oo aan ka waayey jawaabahooda diinta yahuuda iyo diinta masiixiga, jawaabahaas oo iga baa-bi'inaya fikirka iyo werwerka badan ee i haysta, welibana arinta ka dhaxaysa bani-aadamka iyo ILAAAHEY cazza wajalla.

Bilawgii qisada (London) iyadoo sii wada sheekadeeda waxay tiri: Mar aan ku sugnaa London oo aan dhiganayey jaamacad waxaan is baranay qoys carbeed oo muslim ah, waxaanan bilaabay inaan la xiriiro, waxa aan aad ula yaabay degnaanshaha hooyada iyo xaafadda ay ku nooshahay oo aan waydiiyey si sira waxayna igu jawaabtay:

Diinta islaamku waa diin siinaysa xaqqa ay leedahay qofka dumarka ah, iyo makaanka ay haweneydu ku leedahay ninkeeda iyo qoyskeeda, iyo sida ay diintu dhigayso labada is qaba manhaj ay leeyihiin oo ay ku noolaanayaan, iyo barbaarita ubadkooda, kalmadahaan ayaa igu noqday kalmado uu u soo jeestay caqligeyga iyo qalbigeyga iguna kallifay inaan xaqiiqda sii ogaado.

Faadumo oo ka warramaysa sheekadeeda waxay tiri: waxaan baxay maalin maalmaha ka mida oo aan tegay meelo lagu nasto, anoo dariiqaygii ku sii socda waxaan ag maray masaajid kamida masaajidada weyn, waxaan galay masaajidka waxaanaan kula kulmay sheekh gar weyn oo cad oo dheer.. si fiican ayuu ii soo dhaweeyey, waxaana uu si ixtiraam ku jirto iyo sharaf iga codsaday inaan xijaab xirto ixtiraam kaas masaajidka dhexdiisa iskuma aan dayin inaan diido, markii danbe aniga iyo sheekha ayaa masaajidka wada galnay waanu ila fadhiistay, waxaana uu isiiyey qeyb ka mid ah aayado quraanka kariimka oo ku qoran afka ingiriiska ah, oo sharaxaya diinta islamka, waxaan ka soo baxay masaajidka anoo faraxsan waxaan bilaabay inaan akhristo buugaagta wakhtiyo badan, waxaanaan bilaabay inaan xaadiro kulamada lagu qabto masaajidka wiigii, taasoo iga caawisay inaan fahmo islaamka, dhigayana manhajka qofka muslimka wuxu nolashiisa oo dhan ku nolaan lahaa iyo ilaa maca dhimashadiisa kadib, taas oo aad igu adkaysay inaan u soo jeesto diinta islaamka oo ah in qofka muslimka ahi rumaysan yahay dhamaan anbiyada oo dhan laga bilaabo nebi aadam ilaa nebi ciise naxariis iyo nabadgelyo korkooda a’ahaate , taasoo ii sii jiideysa oo kale xiriirka ka dhaxeeya qofka muslimka ah iyo ILAAHAY subxaanuhu watacaala, oo aan cidna u dhaxaynin, waxa igu abuurmay werwer laba sanno ah oo aan jeclaystay, iyo rabitaankayga ah inaan galo diinta islaamka, iyo baqasho aan ka qabo reerkayga iyo diidmada ay ka qabaan inaan galo oo aan cadaysto diinta islamka.

Laakiin waxaa kadis igu noqday anoo ku sugan muxaadarada masaajidka waxaan istaagay imaamka hortiisa waxa aan cadaystay inaan islaam noqday iyo in aan xirto xijaabka, waxa aay taasi ku noqotay imaamkii masaajidka ee muxaadarada qabanayey farxad weyn, laakiin farxadayda ayaa aad ugu weynayd sababtoo ah waxaan noqday imika laga bilawbo qof muslima xiranna xijaabka.

… Qoyskeyga kadib islaamnimadayda

Faadumo oo dhamaystiraysa hadalkeeda:

Waxaan ku sugnaa London wakhti aan aad u badnayn kadib islamnimayda iyo xiritaanka xijaabka, ILAAHAY mahaddiisa wax dhiba kalama aan kulmin bulshada halkaas (London), walibana anigoo sii dhiganaya jaamacadda, waqti kadib waqtiyada.. waxaan ku noqday mexico si aan ula noolaado qoyskeyga, waxa layaab ku noqotay waalidkey oo arkay isbadelka igu dhacay, tasarufaadkayga iyo dhaqankayga iyo waxaan madaxayga ( xijaabka ) saaran mar walba, illaa wuu ii soo galay aabbahay marqudha isagoo i arkay anoo tukanaya taasoo ku noqotay layaab… muu aqblin fikirkayga islaamka waligii. Iskumana dayin jaanis ama waqti sababta igu kaliftay inaan diinta islaamka galo.

Hooyaday ayaa ila yaabtay haddana walaalkey, waxaana iga fogaaday asxaabtayda iyo dadka aan isku dhawnahay. Mujtamaca yahuudu waa mujtamac isku xidhan mana ogala wax isbadel ah guduhooda, waxaana uu aabbahay go’aansaday inuu guriga iga eryo, hooyadayna iskumay dayin in ay diido go’aankaa aabbahay yeelay, bal way aamustay kamanay hadal, ilama uusan hadal muddo sannad ah, walaalkayna kumuu qanacsanayn islaamnimayda, kumana qanacsanayn xiritaanka xijaabka, reerkayga kamaan xanaaaqin iyagoo waxaa igu sameeyey oo dhan, waxaana kamid ah sifadaha ama astaamaha qofka muslimka ahi inuu u sabro waalidkiisa iyo inuu ixtiraamo, waxaan kabaxay guriga waxaan noolaa kaligay anoo la xariiraya reerkayga, anoo qancinaya oo isku deyaya inaan u soo dhawaado markale.

Faadumo oo ka waramaysa mujtamaca dhexdiisa waxay tiri: wax dhiba kalamaan kulmin bulshada Mexico islaamnimadayda, laakiin dad asxaabtayda ah oo u malaynayey inuu igu dhacay cudurka kansarka ah, sidaa darteedna aan u xirtay xijaabka si aan u qariyo timahayga daadanaya. Ama aan dhalay ilmo sidaa darteed aan madaxayga u qarinayo anoo kacabsi qaba barafka, waxaan isku dayey inaan fursadaas ka faa’daysto si aan isku dayo inaan fahansiiyo dadka islaamka, waxaan arkay anoo walaalayaal badan ku dayaya inay diinta islamka soogalaan ILAAHAY mahadiis waxaan awooday inaan ku abuuro dad badan oo asxaabtayda ah oo aan isku dayo inaan galiyo diinta islamka.

Bani-aadam kasta, …… wuxu isku deyay shaydaanku inuu soo galo qalbigayga iyo caqligayga inkabadan mar …, haddaba mexico oo ah dal kulul oo xiritaanka xijaabku yahay shay ku adag in la xirto, sababtaas daraadeed ayuu shaydaanku albaabada iiga soogalayey si aan iskaga bixiyo xijaabka kulaylka daraadii, haddana shaydaanka ayaan iska naari jiray, waxa aan akhrisanayey aayado quraana iyo danbi dhaafna ilaahay ayaan waydiisanayey in badan.

Waqti waqtiyada kamida .. waxaan la yaabay walaalkey oo i weydiinayey su’aalo, isagoo igu leh miyaad haysa sawir nebigiina muxammed?

Waxaan ugu jawaabay maya, wuxuu igu yiri waxaan u malaynayaa in nebigiinna muxammed uu iigu yimid RIYO oo igu yiri: cid kuma qasabno inuu diinta islaamka soogalo… riyadaa walaalkey kadib waxaan dareemay isbadel sida uu ila dhaqmayo, isagoo noqday mid raali ka ah xiritaanka xijaabka, wuxuu noqday mid mar walba ila hadla ina soo booqda waqti kasta.

ILAAHEY mahaddii

Faadumo oo sheekadeeda sii dhameyneysa waxay tiri: ilaahay ayaan u mahad naqayaa cazza wajalla, nicmada diinta islaamka oo uu ku hanuuniyey qalbigayga iyo caqligayga, kuna buuxiyey dhaawicii I haystay hanuun iyo jeclaan, waxaa aan ilaahay ugu mahadnaqayaa subxaanahu watacaala, sababtoo ah isagoo iga saaray mugdi iguna badelay nuur. Islaamkuna yahay diin dadka is jeclaysiinaysa iyo raali ay ku jirto iyo ixtiraamaysa diimaha samaawiga oo dhan ( yahuuda iyo masiixiga) oo aan ka bartay kalsooni naftayda ah iyo sharaf shakhasiyadayda ah ILAAHAY subaanahu watacaala wuu yahay mid ducada aqbala.

Xigasho: http://www.islamway.com/?iw_s=Article&iw_a=view&article_id=5180

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Go to homepage

Copyright © All Rights Reserved to agoonta.net 2007-2010, Designed by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net