Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai,
Acc. nr. 2002-0017

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
                       fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan

 

 

 





 

Jimco 30 Sep. 2011 (AN) Beledweyne-Somalia, Annagoo ah guddigii dhismaha dhulkii Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne waxaan marka hore u mahad celineynaa Alle (SWT) oo noo suurta geliyay in dhismahaan ku dhamaado waqti kooban, naguna ceeb asturay, waayo waxaan qaadnay xil weyn oo amaanada xoolihiina ah, marka xiga waxaan wadajir ugu mahad celineynaa dhammaan walaalihii muslimiinta ee gacanta ka geystay dhismahaas rag iyo dumarba, xoolihiinana Alle ha idiinku bedelo wax ka wanaagsan.

Mar haddii waqti ku socday oo lagama maarmaan ay ahayd in laga guuro dhismihii hore, oo muddada ugu dambeeyn loo qabtay ay ahayd 31-08-11, ayaa waxaa lagu qasbanaaday mar haddii dhismaha cusub 98% la dhameeyay in lagu guuro, wixii harayna iyadoo la dhex dhegan yahay la dhameystiro, haddaba walaalayaal mar haddii dhismihii agoonta la soo gebagebeeyay, agoontiina ay maanta ku nool yihiin oo ay wax ku baranayaan dhisme ay iyagu leeyihiin oo ay u dhiseen walaalahood gudaha dalka iyo dibadda ku nool, iyadoo halkaa waa Beledweynee iyo weliba Nairobi lagu kala qabtay xaflad furitaanka dhismaha cusub oo ay barbar socotay ujeedo kale oo ah soo bandhigid wixii lagu qabtay lacagtii loogu deeqay dhismahaas, oo ay soo bandhigeen guddigii dhismaha dhulkaas agoonta loo xilsaaray ayaa haddana weli waxaa jira baahiyo yar yar oo loobaahan yahay sida: jarniinooyin ama meelo ay ku nastaan (ku fariistaan) xilliga ay agoontu nasashada ku jiraan iyo hall lagu wado in loo isticmaalo tartamada agoonta, shirarka iyo dugsi quraan intaba.

Kharashka ku kici kara howlahaas yar ayaa lagu qiyaasay ugu badnaan $2000 (laba kun doolar), taas oo aan fileyno idinkana rajeyneyno inaad kheyrka aad biloowdeen dhameystiri doontaan.

Jazzaakumullaahu kheyran

Go to homepage
2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie