Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017 ama riix halkaan

 

 

  

Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne waxay wada jir ugu mahad celinayaan Xawaaladda Amaana Online iyo shaqaalaheeda oo kaalin muhiim ah mar walba kaqaata daryeelkooda iyo iyagoo mar walba u fududeeya wixii dhaqaale ah ee agoonta ku socda. Waxayna dhowr jeer ku tabaruceen deeqo lacageed oo ay u direen agoontaas.

Sidoo kale waxay account uga fureen Xaruntooda dhexe ee Dubai koonto nr. 2002-0017, iyagoo ballan qaaday cid kasta ee koontadaas lacag ku direysa ineysan Xawaaladda Amaana wax khidmo ah (service) aysan ka qaadi doonin oo lacag la'aan loogu xawilayo.

Haddaba ciddii wax ku tabaruceysa agoontaas ee Xafiisyada ay Xawaaladda Amaana ku leedahay dunida dacaladeeda lacag uga xawilayo waa khidmo la'aan. Iyagana Ilaaheey maalkooda ha u barakeeyo ayaan leenahay (Aamiin).

Mahad celinta kore mid la mid ah waxaa Xawaaladda Amaana online u diraya webmasterka www.agoonta.net

Wixii talo iyo tusaale ah ugu soo hagaaji E-mailada kala ah: agoonta@agoonta.net  ama kaafil@agoonta.net

Dib u noqo

Copyright © 2007 agoonta.net All Rights Reserved, Disegned by Xasan C. Xuuriye