Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017



 

agoonta.net            24-07-10

Waxaa Alle mahaddiis ah in lasoo gaba-gebeeyay dhismihii masjidkii bartmaha magaalada B/weyne ee dhismihiisa la bilaabay dabayaaqadii bishii July ee 2009kii, iyadoo ay kasoo wareegatay sannad markii dhismihiisa la bilaabay iyo dhammaadkiisii, ayaa waxaa xariga laga jaray oo la furay 15-07-2010 oo ku beegneyd 25 Rajab 1431 H.

Mahaddaas Alley u sugnaatay, ka sokoowna walaalihii dhaqaalahooda ku bixiyay iyo kuwii u dhabar adeygay ee har iyo habeen u taagnaa sidii uu ku hirgeli lahaa dhismaha masjidkaas, Alle (SWT) ayaan idiinka baryeynaa inuu idiinku abaal gudo adduunka wanaag aakhirana Jannatul firdows insha'allaahu.

Masjidkaan oo ka kooban laba dabaq ayaa waxaa loogu tala galay qeyb ragga iyo mid dumarka ah, waxaana markiiba ku tukan kara in kabadan 2500 oo qofood Allaahu akbar.

Halkaan hoose waxaad ka daawan kartaa sawiradii masjidka iyo heerarkii uu soo maray markii dhismahiisa lal bilaabay ilaa iyo dhammaadkiisii.

 






agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Go to homepage

Copyright All Rights Reserved to agoonta.net 2007-2010, Designed by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net