Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai,
Acc. nr. 2002-0017

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
                       fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan

 

 

 






Axad 04 December 2011 (AN) Beledweyne-Somalia, mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.

Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne oo dhismaheeda laba bilood ka hor lasoo gabagabeeyay, furitaankii dhismahaasna xaflado kala duwan loogu sameeyay magaalooyinka B/weyne iyo Nairobi, sidaan hore halkaan iyo meelo kale oo badan aan kusoo bandhignay ay dhismahaas ka harsanaayeen howlo dhameystir ah waxaana ka mid ahaa: qalabeyn la qalabeeyo xarunta sida qalabka wax barashada, kuraasta iyo miisaska iskoolka, in loo dhiso meel ay tartamada iyo shirarka ku qabsadaan, in loo sameeyo jardiinooyin iyo meelo ay ku nastaan xilliga ay firaaqada leeyihiin, iney helaan meel ay ku duktaan kuna cibadeystaan, I.W.M., ayaa  maalmahaan waxaa ka socday xaruntaas cusub howlo dhameystir ah oo ka mid ah kuwa aan kor kusoo sheegnay ee dhismahaa ka harsanaa.

Waxaa dhawaan la soo gabagebeeyay dhisme hall cusub oo lagu kordhiyay Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne, hall-ka waxaa kale oo wehliya kuraas & miisas lagu dhex sameeyay sida aad sawirada ka arki doontaan, hall-kaas oo wax weyn u tari doona xarunta iyo agoontaba insha'allaahu, sababtoo ah waxa ay aad ugu baahnaayeen meel haddii ay dhexdooda ama dugsiyada iyo iskoolada kale ay tartamayaan  ay ku qabsadaan, ama ay mararka qaar iyagu ku nastaan, ama ay ku cunteeyaan, waxaa kale oo laga qabtay xarunta cusub iyadoo musqulaha wejigooda hore uu markii hore shamiinteysneyn, haddase la shamiiteyay, waxaa kale oo laga qabtay iyadoo dhammaan qolalka jiifka daaqadaha iyo albaabada loogu dhejiyay shabaqa kaneecada, kadib markii roobab badan oo ka da'ay gobolka awgeed ay kaneecadu ku soo badatay.

Qaar ka mid ah guddigii loo xilsaaray Dhismaha Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif oo saxaafada ku soo bandhigay muuqaalka dhismahaas lagu soo kordhiyay xarunta iyo kharashkii ku baxay ayaa sheegay in hall-ku qaadi karo 180-200 qofood, dhaqaalaha ku baxay howlahaasna uu yahay $5212.3 (shan kun laba boqol toban & laba doolar iyo bar), waxaa koontada ugu jirtay oo laga dhiibay $1850 (kun sideed boqol iyo konton doolar) oo ah lacagtii ay dumar & rag  reer Finland iyo USA ah ay soo direen furitaankii xarunta kadib, waxaa hadda deyn lagu leeyahay $3362.3 (saddex kun saddex boqol lixdan iyo laba doolar & bar).

Haddaba walaalaha muslimiinta ah ee howshaan kheyrka badan bilaabay, waxaa ka codsaneynaa iney inta hartayna noo dhammeystiraan, xoolahoodana Alle u barakeeyo.






Guddiga Dhismaha Agoonta

Baaraka-llaahu fiikum
Wa jazzaakumu-llaahu kheyran

 Go to homepage
2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie