|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI. |
|
|
Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SWT) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin). Qeybta 2aad Qeybtan labaad waxa aynu si kooban ugu soo bandhigeynaa fikrad gaaban oo ku saabsan agoon waxa uu yahay iyo agoomadii adduunka soo maray kuwii ugu caansanaa. Agoon: Waa canug uu dhintay aabbihii walina aan qaan gaarin ama baaluqin, Waxaa kale oo agoonta lagu daraa caruurta aan la ogayn cidda dhashay ama kuwii dhalay la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Haddii canugu uu waayo hooyadii waxa lagu magacaabaa Rajay. Labada waalid dhimashadooda kee ayaa raad culus ku reeba canuga? Waa su’aal aan jeclaan lahaa inay ka soo jawaabaan akhristayaasha qiimaha leh. Diinteena islaamka iyada oo dadka oo dhan xaquuqdooda ilaalisa hadana waxay si gooni ah u dhaqaalaysaa saddex qaybood oo bulshada ka mid ah:Agoonka, musaafirka iyo saboolka. Agoonka iyo bulshadiisa: Sharaf oo dhan waxaa leh agoon: Agoonimowaxaa sharaf iyo magac wanaag u ah in khayru khalqi-llaah nabiMuxammad ( scws ) uu soomaray agoonimo. Aabbihii Cabdullaahi waxa uu geeriyooday Nabiga oo ku jira caloosha hooyadii Aamina. Hooyadiina waxay dhimatay isaga oo 6 jir ah. Rabbi xikmad ayuu ka lahaa arintan, inkasta oo uu lahaa xigto iyo qaraabo wanaagsan haddana marna mayna buuxin kaalintii labadii dhashay. Agoon kasta ha ogaado in nabi Muxammad uu uga horeeyay jidkan, Rabbigii Nabiga soo barbaariyay,dhaqaaleeyay in adigana uu kuu joogo. Soomaalida iyo agoonta: Laga soo bilaabo dagaaladii 1977 ilaa hada waxaa sii kordhaya tirada agoonta soomaaliya. Waxaan dhihi karnaa in agoonimadu marayso 3 jiil (wiil, aabbihii iyo awawgii oo soo wada maray agoonimo). Inta badana dil ayaa sababay, laakiin waxaa dhici karta inaad waddama adduunka qaar ka mid ah ku aragto xeryo lagu xanaaneeyo agoomo, waxa ugu badan ee caruurtaa agoomeeyayna waa cudurada dilaaga ah, soomaalida taa way ku yartahay ama waa naadir. Adiga iyo agoonta Waxaaa laga yaabaa in qaraabadaada ay qaar agoomo yihiin ama deriskaada ama xaafada aad ku nooshahay. Wali ma iswaydiisay xaquuqda ay kugu leeyihiin? Mise is waydiisay kaalinta aad ka istaagi karto sidii dadkaa waxa loogu qaban lahaa?. Agoonta waxay leedahay xaquuq 10 ah ( ÇáÍÞæÞ ÇáÚÔÑÉ ááíÊíã Ýí ÇáÞÑÂä ÇáßÑíã (oo ay diinteenu sheegtay, qoraalada soo socda ayaan ku eegi doonaa xaquuqdaa innaga oo mid mid u soo qaadaneyno haddii Allah idmo. Labada waalid dhimashadooda kee ayaa raad culus ku reeba canuga? Waa su’aal aan jeclaan lahaa inay ka soo jawaabaan akhristayaasha qiimaha leh, fekerkaaga ku qor halka hoose. Wasalaamu calaykum wr wb
agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net Copyright ©2007-2010 All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye |
|
|
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan Riix Halkaan |