Webside: WWW.AGOONTA.NET

E-address: agoonta@agoonta.net

War bixin Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne

Goormaa la aas-aasay?

Xarunta agoontaan waxaa la aas-aasay sannadkii 1998, laga soo bilaabo xilligaas ilaa sannadkii 2003 waxaa gacanta ku hayn jiray Hay'addii Alxarameyn, oo aan kaligood ku ekeyn xilligaas balse agoomo fara badan oo wadanka ku kala baahsan gacanta ku hayn jirtay.

Sida aad la wada socotaan hay'adda Alxarameyn waxaa laga xannibay dhaqaalihii ay mashaariicda kheyri ah ku bixin jirtay oo ay ka mid ahayd kafaaloqaadida agoonta, iyadoo wadamo badan oo adduunka  kuyaala gaar ahaan dunida muslimka gacan weyn ka geysan jirtay xannaaneynta agoonta.

Alxarameyn kadib yaa sii waday kafaalo qaadidda agoonta?

Markii ay Alxarameyn ka caga laabatay Soomaaliya maadaama aysan dhaqaale u hayn mashaariicdii ay ka fulin jirtay dalka, Agoonta Xarunta Ugaas Kh. waxaa soo wajahay kafaalo la'aan, waxaana markiiba u istaagay ganacsatada gobolka hiiraan gaar ahaan kuwa magaalada B/weyne oo ah halka ay ku taal xarunta agoonta ee Ugaas Khaliif, iyagoo dareemsanaa faa'iidada ay adduun & aakhiraba lee dahay agoonta oo la daryeelo lana kafaalo qaado, Qur'anka & Sunnada Rasuulka (SCW) wax badan ayey inoo bayaaniyeen inaan agoonta & masaakiinta loo darnaan waxna la siiyo, waxaana ka mid ah Riix kalkaan oo aqari .

Haddaba ganacsatadaasi iyagoo hiigsanayo dembi dhaaf Alle (SW) iyo iney Rasuulka jannada kula rafiiqaan ayey ku dadaaleen sidii ay dayaca uga ilaalin lahaayeen agoontaas, iyagoo soo gaarsiiyay dabayaaqadii sannadkii 2004 kadibna ay ku cuslaatay iney dhaqaale ku filan u helaan bil walba.

Wixii markaa ka dambeeyay walaalaha muslimiinta gaar ahaan reer hiiraan ee dibadda ku nool ayaa halkaa kasii amba qaadaan oo la wareegay gacan ku hayntii agoonta, si ay u gaarsiiyaan mustaqbal wanaagsan oo berrito naftooda anfaca, taasoo aan weli suurta gelin in loo helo kafaalo joogta ah agoon kasta, mar walbase wixii Alle (CW) u qoray ma waayi jirin, taas ayaana keentay inaan walaalaha muslimiinta soomaaliyeed xaaladadooda dhabta  ah la socodsiino si ay wax uagala qabtaan. 

Agoontani waxay soo martay heerar kala duwan, iyagoo waqtiyada qaar haysteen kafaalo dhameystiran sida Jiif, Cunto, Waxbarasho iyo daryeel caafimaad, halka xilliyada qaarkoodna sidaan kor kusoo xusay aysan intaa wada heli jirin. 

Muxuu la'eg yahay kharash-ka ku baxa bishii?

Riix halkaan