Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI. |
|
Walaalayaal mahad idilkeed Alle ayey u sugnaatay, nabadgelyo iyo naxariista Allana dushiisa ha ahaato Nebi Muxammad iyo ehelkiisa, asxaabtiisa, intaa dabadeed waxaan halkaan idiinku soo bandhigeynaa warbinno iyo muuqaallo la xiriira halka uu marayo dhismihii dhulkii cusbaa ee loo dhisayay Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne. Haddaba halkee wax marayaan ??? Walalaaha muslimiinta ee kheyrka jecel intii horay gacan uga geysatay iyo inta hadda ku tala jirta iney ka qeybqaato kheyrkaan ama saddaqadaan jaariyada ah annagoo uga mahadcelineyna wixii ay la baxeen ayaa waxaan media-ha kol hore ku soo bandhignay wejigii 1aad iyo 2aad ee dhismaha dhulka cusub ee Agoonta Xarunta Ugaas khaliif ee magaalada b/weyne, wejiga 1aad oo ahaa gogol xaarkii iyo u diyaar garoowgii dhismaha dhulka cusub ee agoonta, sidoo kale wejiga 2aad ayaan isagana kusoo bandhignay dhaqaalihii loogu deeqay dhismahaas iyo wixii lagu qabtay, oo ahaa inaan derbigii dhulkaas soo wareegino, ganjeelkiisiina loogu xiray.
Haddaba wixii intaa ka dambeeyay maadaama dhaqaalihii soo gaaray dhismahaas uu badankiisa ku baxay wejigii 1 & 2aad, ayaa guddigii loo xilsaaray dhismaha dhulkaas isla gartay in muddo kooban laga war dhowro walaaha codsigeenu gaaray wixii ay nagu soo deeqaan, dhismuhuna dib u biloowdo markii la helo dhaqaale wax bilaabi kara, alxamdulillaahiye hadda waxaa lagu tala jiraa sidii loo bilaabi lahaa wejiga 3aad, iyadoo la bilaabay sameynta bulukeetigii wax lagu dhisi lahaa oo hadda la sameeyay in ka badan 8000 xabo, sidoo kale waxaa la dalbay dhagixii dhismaha lagu dhisi lahaa iyo weliba biyo gelin lagu sameeyay dhulkaas, oo qeyb weyn ka qaadan doona dhismaha iyo mustaqbalka dambe. Wejiga saddexaad oo ah in la dhiso halkii ay agoontu ku hoyan lahaayeen, wax ku baran lahaayeen, ku cunteyn lahaayeen, iyo wixii kale ee aan halkaa looga maarmin, iyadoo naqshadii dhismahaasna dhowaan halkaan lasoo gelin doono haddii Alle idmo.
Daawo wejigii 1aad (riix halkaan) ama daawo wejigii 2aad (riix halkaan) Jazzaakumullaahu kheyran dhammaantiinba, Ilaahey ha idiinku bedelo wax ka kheyr badan wax aad la baxdeen, xoolihiinana ha idiin barakeeyo (Aamiin), walaalaha kalana waxaan ka rajeyneynaa iney sidaas oo kale kheyrka nagala qeyb qaataan, walaalayaal waa saddaqo jaariya, waana agoon cidina uma maqna ceelna uma qodna, idinka ayey idin sugayaan, saddaqana yaraan malahan ee wixii aad awoodo ugu hagaaji koontada looga furay Xawaaladda dahabshiil oo aad faah-faahinteeda hoos ka arki doontaan, sidoo kale
Guddiga dhismaha dhulka agoonta |
|