Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Account Nr. 2002-0017 |
Assalaamu Caleyku Waraxmatullaahi Wabaraakaatuhu
Walaalaha kheyrka jecel rag iyo dumarba mar walba waxaan idin leenahay ilaahey ha idiin barakeeyo maalkiina, balaayadana ha idiinka xijaabo.
intaa dabadeed walaalayaal waxaan jecelnahay inaan mar walba idinla socodsiino halka ay wax marayaan, ha noqoto xagga nolosha agoonta ama dhismaha dhulka agoonta iyo dhaqaalaha wax lagu wadaba, si aad kaalintiina uga qaadataan oo xoolaha Alle idiin dhiibay aad wax uga bixisaan, inkastoo maalmihaan ugu dambeeyay aan waqtiga gelinnay dhismaha iyo sidii dhaqaale loogu heli lahaa. Walaalka/walaasha kheyrdoonka ahoow sida aad sawirada dhammaan ka aragtaan dhismihii waxa uu marayaa meel wanaagsan oo u baahan in la dhameystiro, iyo deynta oo laga dhiibo, walaal ma isweydiisay "dhismahaan dhamaadka ku dhaw maxaad ku darsatay"???, adigoo sidaa maalin walba u aqrinaya warbixintiisa yuusan hortaada ku soo gebageboobin, oo aadan waqti dambe ku shallaayin maxaan wax ugu darsan waayay. Walaalka iyo walaasha muslimka ah inta badan howshaan waxaa lagu wadaa ama ay ku socotaa waa deyn laga sii qaadayo dad walaalo ah oo kheyrka jecel, dhismahana fari kama qodna, dadka qaar ayaa laga yaabaa marki ay sawirada arkaan iney is yiraahdaan dhismihii waaba gebgebo, walaal sidaas maahan dhismo qofkii wax dhisay ayaa garan kara, sidaa darteed waxaan Alle (SWT) dartiis idinkaga codsaneynaa inaad gacan nagu siisaan dhameystirka dhulkaan, xaqiiqdii baahi weyn oo dhaqaale ayaa jirta, waxaad hormarsataan ayaana berito idin anfacaya, waa agoonta aan cidi u maqneyne ee gacan u fidiya walaalihiin. Waxaana jira guddi loo xil saaray dhismaha dhulka agoontaas oo ka kooban 15 qofood, oo loo bixiyay "guddiga dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif", magacyadooda & waliba telefoonadooda hoos ayaad ka heli doontaan, waxaana intaa dheer in xawaaladda Dahabshiil looga furay koonto lacagaha loogu soo shubi karo oo ah sida hos ku cad:
Copyright © 2007-2011 All Rights Reserved to agoonta, Disegned by Xasan C. Xuuriye |
|