|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017 |
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan |
|

|

Walaalayaal bacda salaan mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.

Intaa dabadeed waxaan mahad aad u ballaaran usoo jeedineynaa walaalihii kaalinta weyn ka geystay dhismaha dhulka Agoonta Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne rag iyo dumarba, iyagoo Alle uu sabab uga dhigay inuu dhismuhu soo gaaro heerka uu maanta marayo, oo ah mid dhameystir u baahan sida aad sawiradiisa media-ha ka aragteen, waxaanan rajeynayaa iney xaruntaan cusub agoontu ku ciidi doonto insha'allaahu.

 Walaalayaal sida ay soo codsadeen guddiga dhismahaan waxaa lagu leeyahay dhismahaan agoonta deyn, sidaa daraadeed waxaan si naxariis iyo alle ka cabsi ku dheehan tahay idiinka codsaneynaa waxa Alla idiin dhiibay inaad wax uga sadaqeysataan si dhismuhu u noqdo mid mira dhala, agoontuna ugu nacfiso oo ay kaga kaaftoonto ijaarkii muddada dheer soo jiitamaayay.
 Waxaana jira guddi loo xil saaray dhismaha dhulka agoontaas oo ka kooban 15 qofood, oo loo bixiyay "guddiga dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif", magacyadooda & waliba telefoonadooda hoos ayaad ka heli doontaan, waxaana intaa dheer in Xawaaladda Dahabshiil looga furay koonto lacagaha loogu soo shubi karo oo ah sida hos ku cad:


Liiska guddiga dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif
1- Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif +254722907283 2- X. Cismaan Dhagaxoow +252615564002 3- Ibraahim Cali Axmed (saneey) +252615327424 4- Nuur Cumar Cali +252615580621 5- C/qaadir Nuur Liibaan +2525965836 6- Sallaal Labani +252615564173 7- Xasan Max'ed Fareey (Computer) +252615578257 8- Aadan Sahrif Amiin +252615510392 9- Xasan Ibraahim Xalane +252615580669 10- Abuukar Cali Keynaan +252615564001 11- Muumin C/lle Xasan (M-dheere) +252615576093 12- C/llaahi Yuusuf Gaab +252615564087 13- Sh. Cumar Cali C/lle (C-lugeey) +252615221306 14- Saalim X. Cumar Jaabiri +252615517102 15- Xasan Cismaan Xuuriye +4748037525
Magaca koontada waa "Dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif" Xawaaladdu waa: Dhabshiil Account nr.: BWYD000056
Wixii faah-faahin intaa dheer kala so xiriira telefoonada guddiga ama e-mailkan gudiga.agoonta@hotmail.com
Sidoo kale qof kasta waxa uu ku soo diri karaa hadba xawaaladda uu la leeyahay macaamilka, isagoo ku soo caddeynaya magaca koontada oo ah "Dhismaha dhulka agoonta xarunta ugaas khaliif".
Guddiga dhismaha dhulka agoonta Go to homepage � 2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie |