Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan 

 


 

 

Sheekadii ninkii rootilaha ahaa ee dikriga badnaa iyo Imaam Axmed ibnu Xanbal

Waxaa jiri jiray nin iibiya rootiga ama furunka hadba sidaad u taqaan, wuxuu ahaa nin aan dikriga Alle carabkiisu ka daalin, gaar ahaan wuxuu ahaa mid daa'ima kalimada ah  أستغفر الله(Astagfirullaah Astagfirullah Astagfirullaah).
taasoo aad wada garaneysaan in qofkii daa'ima ama badsada kalimaddaa iyada ah iyo guud ahaan adkaarta noocyadeeda kala gedisanba uu san wixii uu Alle (SWT) ka baryo ka waayeyn.

Haddaba aqristoow waxaa dhacay in maalin maalmaha ka mid ah uu safar u baxay Iimaamka aad wada garaneysaan ee Axmed Ibnu Xanbal oo ka mid ahaa afarta mad-habood, isagoo safarkiisii ku jira ayuu gabalkii ugu dhacay tuulo yar, wuxuu go'aansaday inuu halkaan salaadaha maqribka iyo cishaha ku tukado, dabadeedna aroortii safarkiisa sii wato.

Imaam Axmed wuxuu soo galay masjid ku yiilay tuuladaas oo uu ku tukaday salaadihii maqribka iyo cishihiiba, laalkiin markii uu cishihii ka baxay ayuu misna garan waayay meel uu aado oo uu habeenkaa jiifsado, wuxuuna isugu waramay inuu caawa masjidkaan seexdo.

Markii laga kala dareeray masjidkii ayaa waxaa kusoo haray imaamkii safarka ahaa iyo khaadimkii masjidka, khaadimkiina  wuxuu bilaabay inuu soo xirxiro albaabada masjidka, wuxuuna ku yiri sheekhii musaafirka ahaa sheekhoow masjika waa la xirayaaye dibadda u bax, Imaamkii ayaa yiri magaalada kalama aqaanee adeer aan halkeyga caawa iska jiifto, waxaana loogu jawaabay "masjidka lama jiifto ee banaanka u bax waan xirayaaye, sheekhiina wuxuu celiyay duca-qabe meel aan aado garan maayee halkeygaan ayaan iska seexanayaa mana uu isku sheegin inuu yahay sheekhaas ama Imaam Axmed, dood dheer dabadeed waxaa dibadda loo soo saaray Imaamkii oo laga soo xirtay masjidkii.

Waxaa buuqii & doodii labadooda kusoo baxay oo meesha marayey nin gaari gacan kaxeynayay oo ka yimid suuqa oo iibiya rootiga, wuxuuna ku yiri Imaamkii sheekhoow ina keen aniga ayaa jiif ku siinayee oo sidaa ku kaxeeyay. Markii uu geeyay reerkiisii wax yar kadib waa seexdeen, waayo ninka rootilahaa wuxuu toosaa xilli hore si uu u diyaariyo rootigii uu maalintaas suuq geyn lahaa, sidaa daraadeed wuu ku qasbanaa inuu dhaqso u seexdo, imaamkiina asna iska seexay.

Waqtiga dambe markii la gaaray ayuu toosay rootilihii oo howlshiisii bilaabay, sheekhii ama imaamkiina isna inta toosay ayuu u istaagay salaad iyo cibaado, wuxuu maqlayey ninkii marti geliyay oo aan afkiisa ka daaleyn inuu ku celcelinayo kalimaddaas aan kor kusoo xusnay, aad ayuu ula yaabay kheyrka ninkaas afkiisa kasoo baxaya.

Markii uu waagu beryay oo la toosay ayuu imaamkii su'aalay ninkii marti geliyay su'aal oo ku yiri "xalay waan maqlayay inaad aad ugu celcelisay kalimad wanaagsan, ninkii laasimana haddii Alle baryo kama waayo wixii uu ka baryay ee adigu ma jiraan wax aad Alle ka bariday oo aadan weli helin", wuxuu ku jawaabay maya mid mooyee.

Imaamkii ayaa weydiiyay maxay tahay midda kuu dhiman oo aadan weli helin, wuxuuna ku jawaabay waxaan Alle weydiistay inaan mar la kulmo Imaam Axmed oo aan wax cilmi ah haba yaraadee aan ka kororsado taasna weli ma helin ayuu kusoo gebagebeeyay.

Imaam Axmed ayaa inta dhoola caddeeyay ku yiri haddaba iyadiina waa lagaa aqbalay, rootilihii ayaa farxad is hayn waayay oo yiri sheekhoow ma adigaa?, haa ayuuna ku yiri, rootilihii ayaa durbadiiba ka codsaday inuu Imaamku marti u ahaado maalmo si uu waxuun ugala haro, waayo waqtiyadaa cilmiga waa loo safri jiray oo sidaan meel walba loogama helo jirin.

Haddaba aqristoow qormadaan waxaan ka faa'ideynaa in kalimaadka wanaagsan aan carrabkeena barno, taasoo aan ku heleyno raali ahaanshaha Rabbigeen, qofkii Alle raali ka noqdana waa qof liibaanay oo laga magan geliyay cadaabkiisa gelayana Janno insha'allaahu ee aan nafteena & ehelkeenaba ku tarbiyeyno.

 

Wabillaahi Tawfiiq
agoonta.net

Go to homepage   

Copyright © 2007  All Rights Reserved to agoonta.net, Disegned by Xasan C. Xuuriye