Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Account Nr. 2002-0017
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

 

Assalaamu Caleyku Waraxmatullaahi Wabaraakaatuhu

Walaalayaal sadaqada xoolahay barakeysaa rizqigana waa lagu waa siciyaa , sadaqadu xoolaha waxay ka xifdisaa aafooyinka & fasahaadka, waxayna sabab u noqotaa maalkaada inla barakeyo tayana yeesho, Illaahayna ka dhigo kuwo nacfigoodu joogto noqdo wixii laga bixiyana badalkooda la helo, adillada arintaas cadaysay waxaa kamid ah aayadda lambarkeedu yahay 39 oo kamid ah suuratul saba , macneheeduna yahay (wax kastoo nafaqaysaan ilaahay badalkiisuu idin siinayaa, cid wax quudisana isagaa ufiican).

Nabigu s.c.w. wuxuu yiri (ninkastoo sadaqo bixiya ama qaraabadiisa xiriiriya Illaahay labadaas arrimood awgood waxbuu ugu badiyaa), sidoo kale Nabigu s.c.w wuxuu yiri (subax walba malagbaa wuxuu dhahaa Alloow qofkii wax nafaqeeya badalkiisa sii , malag kalana wuxuu dhahayaa allow qofkaan waxba nafaqaynin wax la,aan dhig ). Hadaba walaal aan ka mid noqono dadka malaa'iktu uducayso subax walba.

Qiso macaan oo nabiga c.s.w. laga wariyay :-
Nabigu s.c.w. wuxuu yiri ( ninbaa isagoo meel lama dagaana maraya ayuu daruur ka korreysa ka maqlay dhawaaq , dhawaqaasi wuxuu leeyahay daruureey waraabi beerta hebel, kadibna daruurtii waxay aaday xaga beertii waraabi la yiri way waraabisay , waxaan arkay buu yiri ninkii dhawaaqa maqlay dooxo dhan oo biyo ka buuxaan oo biyuhu dhinacyada uga fatahayaan, isla markaasna waxaa beerta dhex taagan nin biyaha fatahayey celcelinaya oo hadba dhankey ka fatahaan ka moosaya) waxaana ku iri magacaa? wuxuu iyiri hebel, mise waa magacii daruurta looga dhex yeerayay ninkii beerta lahaa baa iyiri oo maxaad magacayga ii waydiinaysaa? ninkii wuxuu u sheegay hadalkii uu maqlay, kadibna ninkii beerta lahaa wuxuu yiri:- waxaan qiimeyaa hadba waxa kasoo baxa (go誕) beertayda kadibna waxaan u qaybiyaa sadex meelood oo is le弾g : meel aniga iyo ciyaalkaygaa quudana , meelna waan sadaqaystaa meelna beertaan dib ugu kharash gareeyaa , walaalaka /walaasha muslimka khayrdoonka ahoow waad aragtaan ninkaasi samada looga dhawaaqay waxa uu darajadaas ku gaaray waa sadaqda, balse ka waran hadduuba agoon yahay cidda wax lagu sadaqeysano, fadlan yaan lagaaga hormarin kheyrka.

Qisada kale oo sugan:-
Waxyaabaha xaqiiqo ahaan loo arkay waxaa kamida in siduu adoonku wax u bixiyo ilaahayna wax u siinayo, hadduu isku yareeyo waa loo yarayn , hadduu wax bixinta badiyana isna Illaah ayaa wax siinta ubadinaya, arrimahaan aan soo sheegnay waxyaabaha ka markhaati kacaya waxaa kamid qisadaan soo socota oo Caa段sha laga wariyay waana tan qisadii (Caa段sha R.C. oo sooman ayaa waxaa u yimid miskiin baryootamaya, gurigeedana waxaa yiil xoogaa kibis ah kaliya , khaadimaddeedii bay ku tiri sii miskiinka kibista inoo taala , khaadimaddii waxay tiri Caa段shooy wax kale oo aad ku afurto kuuma yaalo , Caa段sha R.C markalay amar ku bixisay inay siiso miskiinka kibista wayna siisay).

Caa段sha R.C. waxay tiri markaan casarkii joogno ayaa neef ariya oo hadiyad ah naloo keenay, markaasay khaadimaddii ku tiri cun kaan bixinay kanaa ka fiicane . Haddaba khayr doonow indhahaagaa kuu macalina maskaxda iyo maankana ka shaqaysii, ogoow arintu wax bixi oo kaliya inaysan ahayn ee waxaa lagaaga baahan yahay inay jirto kalsooni aad ilaahay ku qabto aadna yaqiinsantahay in Illaahay waxaad bixisay badalkiisa ku siin doono , hakuu soo dadajiyo ama hakaa daahiyee .

Marwalba kala soco agoonta.net qeybo kale oo muhiim ah, kuna saabsan sadaqda

Go to homepage
Copyright ゥ 2007-2011 All Rights Reserved to agoonta, Disegned by Xasan C. Xuuriye