Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Account Nr. 2002-0017 |
|
Assalaamu Caleyku Waraxmatullaahi Wabaraakaatuhu Walaalayaal waa qeyb kale oo aan uga hadleyno faa'iidada ay sadaqadu leedahay Sadaqadu waxay horyaal iyo albaab laga soo galo u tahay acmaasha kale oo dhan, bixinta sadaqada iyo wax nafaqaynta meel ilaahay jecelyahay lagu bixiyo waxay fure u tahay khayr oo dhan, waxayna kuugu baaqaysaa khayrka noocyadiisa oo dhan, maxaa yeelay saynu horay usoo sheegnay naftu xoolo jacaylka waa lagu abuuray, haddaba qofkii waxa uu jecelyahay bixiya ilaahay waxa uu ugu badalayaa waxyaalo qaali ah oo ilaahay jecelyahay, waana camalka saalixa ah oo qofka samayntiisa loo fudaydiyo, sidoo kale waxaa loo sahlaa ka tagidda camalka xun, qof nasiib wanaagsan oo ilaahay khayr la doonay ayaa labadaas arimood isla hela, hadalka dambe waxaa yiri shiikh C/raxmaan binu sacdii, isagoo sharaxaya aayado ka mida suuratul al-layl lambarkooduna yahay 5-6-7, ugu dambayntii aayadaan soo socota ee suuratul aali-cimraan lambarkeeduna yahay 92 wuxuuna ku yiri : ( wanaag iyo khayr badan helimaysaan kamana mid noqon karaysaan dadka loo yaqaano baariyaasha Illaahay, illaa aad ka bixisaan xoolihiina nooca aad ugu jeceshihiin), haddaba bal aan wax yar fiirino aayaddaan noogu dambaysay saxaabadii Rasuulka c.s.w. raadka iyo saamaynta ay ku reebtay iyo jawaabta ay ka bixiyeen markay soo dagtay aayaddaan: A- Abuu dalxa wuxuu ka mid ahaa ragga ugu xoolo badan saxaabadii ansaarta loo yaqaanay ee madiina dagi jiray, xoolihiisana wuxuu ugu jeclaa beer la oran jiray (bayruxa), markey aayaddaani soo dagtay intuu rasuulka aaday ayuu wuxuu ku yiri: xoolahayga waxaan ujeclahay (bayruxa) ilaahay dartii baan u sadaqaystay, Rasuulkuna c.s.w. wuxuu ugu jawaabay (wax weyn baad heshay). C- Cumar binu khadaab R.C ayaa abii muusaa al-ashcari wuxuu ka codasay inuu usoo iibiyo jaariyad (addoon), markuu usoo iibiyay una keenay ayuu Cumar R.C. aad ula yaabay jaariyadda wanaageeda, kadib markuu akhriyay aayaddaan aynu ka hadlayno ayuu jaariyaddii ku yiri (xor baad tahaye iska tag). Haddaba muslimiintii hore dhaqankoodii iyo wadaday mareen ee xagga wax sadaqaysashada waa taase, majirtaa cid ku dayanaysa oo maraysa wadadoodii? jawaabtu waa haa, muslimiinta khayr laga waayi maayo midda kale haddaad maqashay qaar badan oo saxaabadii kamid ah oo iyagoo nool oo lugaynaya jannada loogu bishaareeyay , ogow fursadaha qaaliga ah ayay ka faa'iidaysan jireen, bishaaro bilaas ku timidna ma jirto lamana sheegin, fadhi iyo fuud yicib la islawaa.
Marwalba kala soco agoonta.net qeybo kale oo muhiim ah, kuna saabsan sadaqda
Copyright © 2007-2011 All Rights Reserved to agoonta, Disegned by Xasan C. Xuuriye |
|