Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017  
            Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan 


                                        Walaal Alle dartiis ugu kaalmee Agoonta,  adigana Alle ayaa kuu kaalmeynaya insha'allaahu

 

Sadaqadu waxay calaamad u tahay qofka bixinaya iimaankiisa iyo yaqiintiisa iyo inuu ilaahay malo fiican ka aaminsanyahay, waxaa jira laba arrimood oo basharka lagu abuuro :- a- Xoolo jacayl . b- Ammaan jacayl. Haddaba markay naftu ogolaato inay bixiso wixii jacaylkiisa lagu abuuray waxay taas xujo cad u tahay in adoonkaasi iimaankiisu sareeyo uuna rumaysanyahay ballanqaadka Ilaahey u ballanqaaday ciddii wax baxsata inuu badal siinayo, sadaqada oo laga tago iyada oo qofku kabaqayo wax yaraan taasi waxay cadaynaysaa kalsooni darada qofku Ilaahay ka qabo saas waxaa yiri imaamu qurdubi.

Sadaqadu qofka wax sadaqaysta waxay ka ilaalisaa balaayada iyo kurbooyinka, arrintaas baraatik ahaan ayaa loo arkay adillo cadeynayana way jirtaa waxaana kamida xadiiskaan (sadaqadu waxay horjoogsataa 70 meelood ama dhinac oo qofka xumaan uga soo socotay)

Dhacdooyinkaan bal u fiirso

* Ninbaa toddobo sano la il darnaa dhaawac jilibka uga yaalay dhakhtaradii  oo dhanna waxba way ka qaban waayeen, kadibna wuxuu dhibaatadiisa u sheegay C/llaahi binu mubaarak, wuxuuna kula taliyay ninkii : inuu meel dadka ku nool biyo ubaahanyihiin ceel uga qodo, wuxuuna yiri C/llaahi waxaan rajaynayaa in ceelkaas il biyo ah ka soo burqato sadaqadaas awgeedna dhiigu kaa joogsado.

* Qisadaan kalana waxay wajiga nabro waaweyn kasoo yaaceen sheekhii la dhihi jiray Abuu Cabdullaahi oo qoray kitaabka ladhoho ( al-mustadrik ), wuxuu la xanuunsanaa dhaawacyadaas mudo ku dhow hal sano in badanna waxaa uduceeyay ahlu khayrka kumase bogsan, wakhti dambe ayuu gurigiisa hortiisa muslimiinta uga qoday meel biyaha lagu shubo oo ay ka cabaan hal usbuuc intuusan dhamaan ayuu caafimaaday wajigiisiina noqday markuu waligii ugu quruxbadnaa.

* Qisadaan kalana malakul Jibriil baa uyimid Nabi Yacquub c.s, wuxuuna ku yiri ( mataqaanaa sababta aad u indha beeshay, dhabarkaaguna usoo gotay, Yuusuf walaalihiina u sameeyeen waxay sameeyeen ?, saddexdaa su'aalood ayuu weydiiyay, isla Jibriil baana ka jawaabay su'aalaha oo wuxuu yiri : waxaad qalateen neef ariya, kadibna waxaa idiin yimid miskiin agoona oo sooman waxna maydaan ka siin ) haddaba maxaa kuu soo baxay akhristow ?

Diyaariye: Maxamad ibraahim aadam

 Go to homepage
2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie