Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI.
Account Nr. 2002-0017



 

agoonta.net       17-05-10


Walaalayaal mahad oo dhan Alle (SW) ayaa iska leh, nabadgelyo & naxariista Eebbana dushiisa ahaato nebigeenna Muxammed, Ehelkiisa iyo Asxaabtiisa dhammaantood (Aamiin).

انظرإلى هذا المعاق عقليا لا يعرف إلا القرآن، غريب سبحان الله، إذا سمع

القرآنبدأ يكملالقراءة فإن سألته غير ذلك لا يفقه كيف يجيب، الله أكبر

Walaalayaal waxaan halkaan idiinku soo gudbineynaa wiil caqligiisu dhiman yahay ee aan waxba garaneyn Qur'aanka mooyee (سبحان الله) waa layaab, wiilkaan caqligiisu dhiman yahay haddii uu maqlo wax ka mid ah Qur'aanka markiiba wuxuu bilaabayaa inuu dhameystiro inta kale, ama kasoo bilaabo aayaddii ka horeysay, haddii aad weydiiso wiilkaan wax aan Qur'aanka ahayna garan maayo sidii uu kuugu jawaabi lahaa (الله أكبر).

Alle (SWT) wuxuu na leeyahay Qur'aanka innagaa soo dejinay, innagaana xifdineyna  إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُونَ

Walaalayaal inta ay goori goor tahay aan ka faa'iideysano caqliga, waqtiga iyo caafimaadka uu Alle (SWT) na siiyahy, waqtigu waa mid xowli ku socda oo deg degaya, aakhirana mar walba waa soo dhawaaneysaa ee kitaabka Alle aan barashadiisa ku dadaalno.

Waxaa is weydiin leh qofka muslimka ah ee Alle caqliga, caafimaadka iyo waqtiga siiyay ee aan Qur'aanka barashadiisa ku dadaalin ama aan isku dayinba xaalkiisu waa sidee?, isweydiin maleh ee xujo ayuu kugu noqonayaa haddii aad akhriso oo aad xifdisana xujo ayuu kuu noqonayaa oo kuu doodayaa maalinta qiyaame sida Nebigu (SCW) noo sheegay. 

قال رسول الله -صلى الله عليه وسلم-:(والقرآن حجة لك أو عليك، كل الناس يغدوا فبائع نفسه، فمعتقها أو موبقها) [مسلم / كتاب الزكاة]

Halkaan ka daawo mucjisada wiilkaan caqligiisu dhiman yahay, haddana Qur'aanka u xifdisan si aan  caadi ahay riix halkaan

 

agoonta@agoonta.net  ama  kaafil@agoonta.net

Go to homepage

Copyright ©2007-2010  All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye

 

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan  Riix Halkaan

www.agoonta.net

Thamad Al-azdi