|
|

agoonta.net 05-12-09
Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne oo ay ku xareysan yihiin 112 agoon ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay dhar sports oo ka kooban funaanado iyo buumayaal, taasoo ka dhigeysa markii ugu horeysay ee ay deeq noocaan oo kale oo qalab sports ah ay helaan ama lasoo gaarsiiyo.
 Deeqdaan ama dharkaan sports ee loo qeybiyay ayaa waxaa Xaruntaan agoonta ugaas khaliif ee b/weyne soo gaarsiiyay maamulaha website-ka www.agoonta.net, iyadoo ay si weyn u farxad gelisay dhammaan ardada ku xareysan xaruntaas gar ahaan kuwa ciyaaraha xiiseeya, maadaama ay heleen maaliyado isku eg oo tayo wanaagsan leh.
 Waqtiga agoonta loo qeybinayay dharkaan ayaa ahayd maalin ay lahaayeen xiso sport ama ciyaar, iyagoo markii agoon kastaba helay lambarkii la'ekaa ayaa waxay markiiba bilaabeen iney ciyaar saaxiibtimo ah u kala baxaan oo halkoodii kasii wataan xiisadii ciyaarta ee ay lahaayeen.
 Waxayna halkaa kusoo bandhigeen ciyaar nadiif ah oo raali gelisay intii kale ee daawaneysay oo aan nasiibka u yeelan iney ciyaartaas saftaan ama ciyaaraan iyo dhammaan maamulaha iyo shaqaalaha xaruntaas.
 Ciyaartaas oo ay kala wateen maamulaha xarunta (sawirka kore) iyo mid ka mid ah macallimiinta kulleejka (sawirka hoose) ayaa gebagebadii kusoo dhamaatay 2-0 ay ku badisay kooxdii uu watay maamule Aadan Shariif.
 Waxaan filayaa inaad aragtaan iney u baahan yihiin dhameystir oo aysan haysan kabo ciyaareed ay ku ciyaaraan, sida aad sawirada ka ragtaan waxa ay ku ciyaarayaan waa kabihii ay ku joogeen kulleejka, amaba qaarkoo laga yaabaa iney kabo la'aan ciyaarayeen, haddaba waxaa walaalaha si xushmad leh looga codsanayaa in cidii awoodo ay ku saacido cabo ay ku ciyaaraan waqtiyada ay ciyaarayaan.
 Ogoow walaalka muslinka ama walaasha muslimadda ahay iney muhiim tahay in activities loo sameeyo agoonta, maadaama ay yihiin kuwo meel ku xareysan oo jiifkii, wax barashadii iyo cuntadiiba ay hal meel kuwa yaalaan, taasna ay keeneyso in waqtiyada qaar dhaq dhaqaaq loo sameeyo.
Jazaakumullaahu Kheyran Diyaariye Maamulka agoonta.net
Go to homepage
Copyright © 2007 All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Xasan C. Xuuriye |
|