Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI. |
|
Maamulka iyo mas'uuliyiinta Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne waxay mar walba dadaal ugu jiraan sidii agoonta xaruntani oo heer dugsi H/Dhexe ah ay mustaqbalka u noqon lahaayeen kuwo wax tara naftooda iyo bulshadaba. Dadaaladaas waxaa kamid ah iyagoo mar walba qaban qaabiya tartamo iyo aqoon is weydaarsi ardayda dhexdooda ah, iyadoo kuwa gala kaalimada horena la guddoonsiiyo abaal marino, si ardaygu u noqdo mid tayo leh jecleystana waxa la barayo. Haddaba toddobaadkii lasoo dhaafay ayey ahayd markii lagu qabtay Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, oo ay kasoo qeyb galeen bulshada ku dhaqan magaalada b/weyne qeybaheeda kala duwan iyo qaar ka mid ah jaaliyadaha dibadda ee reer hiiraan, xafladaas oo qeyb ka hayd dhiiri gelinta aradayda dugsiga H/Dhexe ee Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne. Ardada Dugsigaan ayaa kuwii galay kaalimada 1aad, 2aad iyo 3aad waxaa la guddoonsiiyay jaaizooyin kala duwan, tusaale intii qeyb walba ka gashay kaalinta 1aad waxaa la siiyay: Guuddoonsiinta ardaydaan la guddoonsiinayay jaaizooyinka ayaa waxaa bixinayay mid ka mid ah ugaasyada gobolka hiiraan, gaar ahaan magaalada B/weyne oo lagu magacaabo Ugaas Cali Ugaas Xasan Raage.
Diyaariye Go to homepage |
|