|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee DUBAI. |
|
|
Xaflad tartan Qur'aan aqris oo ka dhacday Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne oo u jeedadeeduna ahayd dhiiri gelin ardad iyo ukuur gelidda xaaladda dhabta ah ee Agoonta ku xareysan xaruntaas, gaar ahaan heerka ay ka joogaan xifdinta Qur'aanka kariimka ah iyadoo lagu tartan siiyay dhowr Juzz oo kamid ah 30-ka Juzz ee Qur'aanka. Xafladaas oo uu qaban qabadeeda lahaa maamulka Xarunta Agoonta Aadan Shariif ayaa ahayd mid si heer sare ah loo diyaariyay iyadoo ay macallimiin dugsiyo kale wax ka dhiga imtixaamayeen ardada, macallinkii iyaga wax barayayna uu goob jooge ka ahaa xafladaas, isagoo fursadaas uga fii'iideysanayay inuu ku ogaado dol-doleelada ardadiisa iyo meelaha ay u baahan yihiin in xoogga laga saaro si'ay aqoontoodu sare ugu sii kacdo. Waxaa tartankaas ku tartamayay ilaa dhowr iyo labaatan arday oo kooxba dhowr Juzz kusii kala tartameeysay oo ay 10 kamid ah ku kala guleeysteen kaalimaha 1,2 & 3aad, waxaana la guddoonsiiyay ardadii kaalimaha koowaad, labaad iyo saddexaad (1aad, 2aad & 3aad) galay Jaa'izooyin ama abaalmarinno kala geddisan oo isugu jiray kutubo qur'aan kariimka ah iyo lacago shilin soomaali ah la guddoonsiiyay, waxaana bixiyay Jaa'zooyinkaas Maamulka Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne Aadan Shariif. Haddiyadahaas la guddoonsiiyay oo aysan dhammaan si siman u wada helin ku guuleystayaasha kaalimaha 1,2 & 3aad balse ay meelo ku kala geddisnaayeen meelana ka wada sinnaayeen sida kutubka qur'aanka oo ay wada heleen halka ay lacagta ku kala badnaayeen oo ardayga 1aad galay uu ka lacag badnaa kuwa kale ee 2aad ama 3aad galay. Waxaana 15ka Juzz kaalimaha 1, 2, & 3aad galay: Sidoo kale 10ka Juzz waxaa kaalimaha 1, 2, & 3aad galay: Ugu dambeyntii 5ta Juzz waxaa kaalinta 1, 2, & 3aad galay: Xafladdaas ayaa dhammaan ardada agoonta waxaa wejiyadooda ka muuqatay farxad dheeri ah gaar ahaan kuwa gelayay tartanka, waxaana xafladdaas kasoo qeyb galay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ah ugaaska ugaasyada Gobolka Hiiraan, aabbihiis Ugaas Khaliif Ugaas Rooblana Xarunta loogu magac daray intii uu noolaa Ugaas Khaliif, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka, Sh. Isxaaq Macallin Xasan, Sh. Cali Kheyr Sh.Cumar (from UK), Macallin C/raxmaan (ugaaska), Macallin Jamaal, iyo maamulka webside-ka agoonta ee www.agoonta.net oo xafladdaas ama tartankaas isna goob jooge ka ahaa iyo dhammaan Maamulka & macallimiinta Xarunta agoonta. Haddii Alle (SW) idmo waxaan idiin soo bandhigi doonaa sawiradii oo dhameys tiran iyo codadkii tartamayaasha sida ugu dhaqsaha badan, qeyb ka mid ah kadaawo halkaan. Wixii talo iyo tusaale ah ugu soo hagaaji E-mailada kala ah: agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net
|
|
|
Copyright © 2007 agoonta.net All Rights Reserved, Disegned by Xasan C. Xuuriye |