Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017 Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaado fadlan soo buuxi form-kaan
Walaal Alle dartiis ugu kaalmee Agoonta, adigana Alle ayaa kuu kaalmeynaya insha'allaahu
11-08-11
Walaalayaal bacda salaan mahad oo dhan Alle ayaa iska leh, nabad gelyo iyo naxariista Eebbana dushiisa ha ahaato rasuulkeena Muxammad, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo intii xaqqa ku raacday dhammaantood.
Bilowgii bishaan ramadaan ayaa waxaa magaalada B/weyne laga bilaabay tartan Quraan aqris, tartankaas oo u qeybsanaa laba qeybood oo kala ah: 1- Tartan ay tartamayeen dugsiyada quraanka kariimka ah ee magaalada B/weyne. 2- Iyo tartan ay tartamayeen dhammaan dugsiyada quraanka kariimka ee degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Hiiraan.
1- Tartankii dugsiyada quraanka magaalada B/weyne
Tartankaan ay ku tartamayeen dugsiyada quraanka kariimka ee magaalada B/weyne ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan dugsiyada quraanka ee ay ka kooban tahay magaalada, dugsiyadaas oo uu ka mid ahaa dugsiga quraanka ee Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne.
Tartankaan quraan aqriska ayaa lagu tartamayay 30ka Juzz ee quraanka, iyadoo loo kala qaaday 3 qeybood (30ka juzz, 20ka juzz iyo 10ka juzz), dhammaan 30kii juzz waxaa kaalinta 1aad galay Axmed C/llaahi Xasan (Axmed haadi) oo ka socdaay Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne, waxaana lagu abaal mariyay $200, Axmed haadi ma ahan markii ugu horeysay ee uu 30ka juzz kaalinta 1aad ka galo, ramadaankii sanadkii hore ayey ahayd markii 129 arday uu kaalinta 1aad kaga guuleystay, isagoo lagu guddoonsiiyay abaal marin dhan $500, Macawis, Shaati, Cimaamad, Kabo iyo weliba saacad.
Dhanka kale tartankii 20ka juzz ee dugsiyada quraanka magaalada b/weyne ayaa sidoo kale waxaa kaalinta 1aad galay Max'ed Cabdi Ciidoole oo ka socday isla Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne, iyadoo isagana la guddoonsiiyay abaal marin dhan $150 maasha'allaahu waa wax lagu farxo, ninkii agoon-nimo kusoo koray ayaa qiimeyn kara farxaddaan.
2- Tartankii dugsiyada quraanka ee degmooyinka G/Hiiraan
Tartankaan ay ku tartamayeen dugsiyada quraanka kariimka ee degmooyinka gobolka hiiraan ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan dugsiyada quraanka ee degmooyinka uu gobolku ka kooban yahay, dugsiyadaas oo uu ka mid ahaa dugsiga quraanka ee Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne.
Tartankaan quraan aqriska ayaa lagu tartamayay 30ka Juzz ee quraanka, iyadoo loo kala qaaday 3 qeybood (30ka juzz, 20ka juzz iyo 10ka juzz), dhammaan 30kii juzz ee ardayda dugsiyada quraanka degmooyinka gobolka hiiraan waxaa kaalinta 1aad galay Axmed C/llaahi Xasan (Axmed haadi) oo ka socdaay Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne, mar labaad ayuu abaal marin u helay $250, waa agoonkii isla bishaan ramadaan dugsiyada magaalada b/weyne 30ka juzz kaalinta 1aad galaye.
Dhanka kale tartankii 20ka juzz ee degmooyinka gobolka hiiraan ayaa sidoo kale waxaa kaalinta 1aad galay Max'ed Cabdi Ciidoole oo ka socday isla Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne, iyadoo isagana la guddoonsiiyay mar kale abaal marin dhan $150 maasha'allaahu waa wax lagu farxo, ninkii agoon-nimo kusoo koray ayaa qiimeyn kara farxaddaan.