|
|
Q. 2aad ee Thumaama Binu Uthaal Naxariistii Rasuulka (scw) oo Thumaama saameysay kuna islaamay Thumaama waxaa saameysay dabci wanaaggii iyo naxariistii Rasuulka (scw), Thumaama Binu Uthaal wuxuu ka dhaqaaqay masjidkii Rasuulka (scw), wuu sii socday jeer uu ka gaaray meesha loo yaqaano “Nakhl” una dhow magaalada Madiina, wuxuu yimid meel balli biyood ah, wuxuu ratigiisii ku xirtay toggii biyaha, dabadeedna biyihii ayuu isku daahiriyay, kadibna wuxuu u laabtay masjidkii Rasuulka (scw), maba uusan iman goob ay ka buuxaan koox muslimiinta ka mid ah, jeer uu goobtii ka qiray shahaadada wuxuuna yiri “waxaan qirayaa inuu jiro Allaha xaqa ah, waxan kaloo qirayaa Muxammad inuu yahay addoonkiii iyo adeegihii Alle (sw)”, dabadeedna wuxuu aaday Rasuulka (scw) isagoo ku yiri: “Muxammadow wallaahi ayaan ku dhaartaye ma jirin qof saaran dunida guudkeeda aan adiga kaa necbaa, hase ahaatee hadda wejigaaga wuxuu noqday wejiyada oo dhan kan aan ugu jeclahay, Wallaahi ayaan ku dhaartaye ma jirin diin aan ka necbaa diintaada, haddase diintaada waxaan ka jeclahay diimaha dhammaantood, Wallaahi ayaan ku dhaartaye ma jirin magaalo aan ka necbaa magaaladaada, haddase magaaladaada ayaan ka jeclahay magaalooyinka oo idil”, Dabadeedna wuxuu intaa Thumaama raaciyay “waxaan asxaabtaada ka galay dhiig oo waxaan asxaabtaada ka laayay rag badan ee maxaa igu waajibaya inaan sameeyo?”, wuxuu yiri Rasuulku (scw) isagoo tilmaamaya samaaxada diintaan ay leedahay “korkaaga cannaan ma ahaanin Thumaamow, Islaamku wuxuu jaraa oo tirtiraa wixii denbi ee hore”, wuxuuna ugu bishaareeyay kheyrka iyo wanaagga uu Eebbe (sw) u qoray islaamnimadiisa awgeed. Waxaa farxad awgeed fur-furantay wejigii Thumaama Binu Uthaal, wuxuuna ku yiri Rasuulka: “wallaahi ayaan ku dhaartaye inaan mushrikiinta ka leyn doono labo-laabyo intii aan ka laayay asxaabtaada, dhinaca kale waxaan naftayda iyo seeftayda iyo cidda ila socotaba aan yeelayaa gargaarkaaga iyo u gargaarka diintaada”, wuxuu kaloo intaa ku daray “Rasuulkii Allow fardoollaydaada ayaa dhexda iga qabsatay annigoo doonaya inaan soo cumreysto, ee maxaad igula talinaysaa inaan sameeyo?”. Thumaama oo noqday Muslimkii ugu horeeyay ee gala Mid ka mid ah dhalinyaradii qureysh ayaa damcay inuu ku dilo Thumaama seeftiisa, hase ahaatee tolkiisa ayaa qabtay iyagoo ku yiri “war miyaadan aqoonin ninka aad u fa-fakanaysid, waa Thumaama Binu Uthaal ee ahaa boqorkii Yamaama, wallaahi haddaad u geysatid dhibaato waxaa hubaal ah inuu naga jarayo sahaydii aynu heli jirnay, dabadeedna gaajo ayeeynu u dhimanaynaa”, intaa kadib qureysh waxay aadeen xaggii Thumaama kadib markay seefahoodii ku cesheen galalkii ay ku jireen waxayna ku yiraahdeen “ma waxaad ka baxday diintaadii iyo diintii ay haysteen aabbayaashaadii hore”, Thumaama wuxuu yiri “kama tegin diintayda hase ahaatee waxaan raacay diin tan ugu kheyrka badan..., waxaan raacay diintii Nebi Muxammad”, wuxuuna intaa ku daray “Rabbiga kacbadan leh ayaan ku dhaaranayaaye inaydan idin soo gaari doonin kadib markaan ku laabto Yamaama kheyraatka Yamaama ka yimaada jeer uu kiina ugu danbeeya ka raaco Nebi Muxammad”. La soco qeybta 3aad |
|