|
|
Sannadkii lixaad ee hijriyada wuxuu Rasuulka (scw) go'aan ku qaatay inuu ballaariyo dadaalkii uu ugu jiray fidinta dacwada islaamka, isagoo siddeed dhambaalood oo qoraal ah u kala diray boqorrada carbeed iyo kuwa cajam-ba, wuxuuna dhambaaladiisa ugu yeeray boqorradaas inay soo galaan diinta islaamka. Boqorradaas loo diray dhambaaladaas ayaa waxaa ku jiray Thumaama Binu Uthaal Al-Xanafi, wuxuu ka mid ahaa madaxda reer Banii Xaniifa, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa boqorrada reer Yamaama ee aan amarkooda marnaba la khilaafin. Wuxuu isku dayay dilka Rasuulka (Scw) Thumaama Binu Uthaal ma uusan aqbalin dhambaalkii uu u soo diray Rasuulka (scw), isagoo iska dhega-tiray dacwadii xaqqa iyo kheyrka xanbaarsanayd, taasi waxaa kaba sii darneyd, isagoo sheydaanka uu tusay inuu isku dayo dilka Rasuulka (scw), iyo siduu u wiiqi lahaa dacwadii uu Rasuulka (scw) xanbaarsanaa. Wuxuu Thumaama u kuur-galay sidii uu uga takhallusi lahaa Rasuulka (scw). taasoo hadduusan si kedo ah uga badbaadeen khatar ahayd, Eebbe (sw) ayaa Nebigiisa ka badbaadiyay shartii uu la maagay Thumaama. Safarkiisii uu Makka u kicitimay Waqi badan kama soo wareegan jeer uu maalintii danbe Thumaama Binu Uthaal go'aansaday inuu u kicitimo Makka, isagoo doonaya inuu soo cimreysto, wuxuu Thumaama ka ambabaxay gobolkii Yamaama, isagoo ku sii jeeda xagga magaallada Makka, wuxuuna naftiisa ugu sheekeynayay inuu ku soo dawaafi doono hareeraha Kacbada iyo inuu u gowrici doono asnaamtii ku hareersanayd Kacbada. Wuxuu gacanta u galay muslimiinta Goor uu Thumaama ku jiro socdaalkiisa, una u dhow yahay magaallada Madiina ayaa waxaa isagoo aan filanaynin ku soo baxay koox ilaalo ah, Ilaaladaas oo ka mid ahaa ilaaladii ciidamada muslimiinta waxay watigaas ku gaaf wareeganayeen degmooyinka ku dhow dhow magaalada Madiina, si ay uga hortagaan haddii uu cadow magaalada soo galo. Waxay ilaaladii soo kaxeysteen Thumaama Binu Uthaal, weliba iyagoo aan aqoon u lahayn ninka ay soo qafaasheen. Markii ay yimaadeen Madiina waxay Thumaama ku xireen mid ka mid ah tiirarkii masjidka, dabadeedna waxay la sugeen Rasuulka (scw) bal si uu go’aan uga gaaro arrinkiisa. Maamuusiddii Rasuulka (scw) ee Thumaama Dhinaca kale wuxuu Rasuulka (scw) amray in hashiisa looga liso Thumaama subixii iyo galabtii, loona geeyo si uu u dhamo caanahaas, maamuusiddaas iyo wanaaggaas uu Rasuulka (scw) u qaddimayo Thumaama waxay dhacday ka hor intuusan xabiibka Suubbanaha Rasuulka (scw) la kulmin ama uusan la hadlin Thumaama bin Uthaal, Intaa dabadeed wuxuu Rasuulka (scw) soo aaday xaggii Thumaama, isagoo doonaya inuu si tartiib ahaan uu u soo geliyo diinta islaamka. |
|