Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai,
Acc. nr. 2002-0017

Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid
                       fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan

 

 

 






Axad 11-Nov. 2012 (AN) Beledweyne-Somalia, 

Hay'adda kheyriga Ugaas Khaliif (Ugaas Khaliif Foundation-UKF) ayaa deeq lacageed soo gaarsiisay Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne gobolka Hiiraan, lacagtaan oo caadkeedu ahaa $3800 (Saddex kun & sideed boqol doolar) oo ay soo dhiibeen jaaliyadda soomaalida ee wadanka Australia, ayuu Cabdi Sabriye Dhoore oo degan Perth-Australia kana wakiil ahaa jaaliyaddaas soomaalida ee dalka Australia lacagtaas ku wareejiyay hay'addan UKF.

deeqdaan lacageed ee la soo gaarsiiyay Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne ayaa wax weyn ka tari doonta xaaladda nololeed ama daqaale ee agoonta ku xareysan xaruntaan.

Hay'adda kheyriga Ugaas Khaliif (Ugaas Khaliif Foundation-UKF) oo uu guddoomiye ka yahay C/risaaq Axmed Max'ed (C/risaaq dheere) oo markii la aas-aasay laga joogo wax ka yar bil iyo bar ayaa howlo badan oo samafal ka fulisay gudaha gobolka Hiiraan, iyadoo ka wakiil ahayd jaaliyado kala duwan oo reer hiiraan iyo soomaali weynba isugu jiray, iyadoo muddadaa gaaban qeybisay lacago kor u dhaafaya $25000 (shan iyo labaatan kun doolar), waxa ayna ballan qaadeysaa iney u gudan doonto ammaanada lagu aaminay sidii loogu tala galay.

Ugu dambeyntii maamulka Xaruntaan ayaa si weyn usoo dhaweeyay kaalmada la soo gaarsiiyay, ugana mahad celiyay walaalihii soo dhiibay iyo Hay'adda kheyriga Ugaas Khaliif (Ugaas Khaliif Foundation-UKF) oo ay soo wakiisheenba.

Go to homepage
2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie