|
Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017 |
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan |

|


Hay'adda Kheyriga ee Ugaas Khaliif (Ugaas Khalif Foundation - UKF) oo la aasaasay 01-05-2012, si sharci ahna uga diiwaan gashan dalka Kenya, dhawaanna looga dhawaaqay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, ayaa waxa ay biloowday in ay gudaha Soomaaliya ka howl gasho, iyadoo ka bilowday magaalada Muqdisho ayaa waxa ay hadda howl galkeedii labaad ka biloowday magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Hay'addaan oo uu hal abuurkeeda lahaa Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo hadda ku sugan magaalada B/weyne ayaa waxaa uu u magacaabay Xasan Cismaan Xuuriye in uu noqdo wakiilka u jooga gobolka Hiiraan.
Hadafka laga leeyahay aasaasida santuuqan khayriga ahi waa in lagu kaalmeeyo dadka dhibaataysan oo ay ugu horeeyaan, agoonta, naafada, dadka saboolka ah, fataahada wabiyada, abaaraha iwm, haddaba santuuqaan oo wax weyn u tari doona haddii Alle idmo dadka ku sugan gobolka Hiiraan iyo dhammaan soomaaliya ayaa waxaa laba koonto (accounts) looga kala furay xawaaladaha Amaana iyo Dahabshiil ee B/weyne, taasoo aad wixii saddaqo ah ku shubi kartaan, waana sida hoos ku cad
Koontada Amaana: Magaca waa: Ugaas Khalif Foundation Accounts #: A2013BWN44312313 Magaalada: B/weyne.
Koontada Daahabshiil: Magaca waa: Ugaas Khalif Foundation Accounts #: BWYD000384 Magaalada: B/weyne.
Wixii faah faahin dheeri ah nagala soo xiriir ugaaskf@agoonta.net ugaaskf@gmail.com
Go to homepage � 2007-2013, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie |
|