Walaal waxaad awoodo Agoonta ugu hagaaji Koontada looga furay Xawaaladda Amaana xarunteeda dhexe ee Dubai, Acc. nr. 2002-0017 |
Ma dooneysaa inaad agoon ama ka badan kafaalo qaadid fadlan soo buuxi form-kaan Riix halkaan |

|

Arbaco 07-Nov. 2012 (AN) Beledweyne-Somalia,
Ururka samafalka Ugaas Khaliif (Ugaas Khaliif Foundation-UKF) ayaa deeq lacageed gaarsiiyay dadka naafada ah ee ku nool magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, lacagtaan oo caadkeedu ahaa $11700 (kow iyo toban kun & todoba boqol doolar) ayaa waxaa ka faaiideystay 800 oo qof oo naafo ah.

Deeqdaan lacageed ayaa ka timid ama ay soo dhiibay jaaliyadaha soomaalida ee wadamada Tanzania, Canada Iyo Ohio-USA, oo ugu deeqay walaalahooda dhibaateysan si ay kaalmo uga dhigtaan, jaaliyadaha aan kor kusoo xusnay ayaa soo wakiishay ururka samafalka Ugaas Khaliif (Ugaas Khaliif Foundatio-UKF) si uu dadkaas u gaarsiiyo lacagtaas, taa soo ku qeybiyeen magaalada B/weyne iyagoo ka wakiil ah jaaliyadihii soo dhiibay lacagtaan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu ururkan Ugaas Khaliif Foundation (UKF) deeq noocaan oo kale ah ka qeybiyo magaalada B/weyne, dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ayey ahayd markii sidaan oo kale uu deeq ay soo dhiibeen jaaliyado soomaaliyeed oo uu ururkani wakiil ka yahay lagu qeybiyay magaalada b/weyne.

Walaalihii soo dhiibay lacagtaan iyo intii lasoo wakiishay iyo kuwii qeybiyay dhammaantood waxaan leenahay kheyr fara badan Allaha idiinku bedelo saddaqadiina iyo juhdiga aad geliseenba.
Go to homepage � 2007-2011, All Rights Reserved to agoonta.net, Designed by Hassan O. Hurie |